Advertisements

Ciidamadda Boliiska dawladda KMG Soomaaliya oo howlaglkii ugu cuslaa ka sameeyey deg. Waaberi.

Halkaan ka akhri

Degmada nawaaxida Waaberi ayaa waxaa dhowr jeer ay ka ka dhaceen Arrimo amni darro ah, kaasoo looga shakisnaa inay ku lug leeyihiin kooxo ay soo direen xarakada al-Shabaab sidaas awgeed ciidamadda Boliiska dawladda KMG soomaliya waxay degmadaas ka fuliyeen hawlgallo ay sacadihii ugu dambeeyay ka wadeen Degmadda waaberi ee magaaladda muqdisho ku soo qabqabteen dhallinyara aad u fara badan.

Ha yeeshee Qabqabashadan ayaa ka dambeeyay ka dib markii habeenadii la soo dhafay dhowr jeer lagu tuuray Bamo gacmeeyd qaar ka tirsan ciidamadda oo xiligaas ku guda jiray hawlo ay ka sameeynaayeen wadada isku xerta Km4 iyo maka al mukaramma, balse Bomkas oo aan waxyeelo geysanin.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada in kabadan 100 qof oo u badan dhallinyaro ay 24kii saac ee la soo dhafay ku soo qabqabteen, hase ahaatee intoodda badan la sii dayay iyadoo ay weli gacantoodda ku jiraan qaar ka mid ah dhallinyaradaas oo weli tuhun laga qabo , kuwasi oo ay hatan ku socoto, waxaana lagu eedeeyey falal amni daro ah in ay ka wadeen xaafadaha degmada waaberi.

Xalay ayaa dhallinyaradan intoodda badan la soo qabqabatay waxaana tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ku dhawaad 150-dhalinyaro ah oo ay saraakiishu dowladda shegeen in lalala xiriirinayo falal amni dari oo ka jira degmadaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan ujeedada howlgalkaan, hase ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxay inoo sheegeen in arintaas ay la xiriir in degmada ammaankeedu uu xumaa, dhowr jeerna Bom gacameed lagu tuuray saldhig ay deggan yihiin Ciidamada Dowladda.

Hase yeeshee howlgalka ay saameeyeen ciidamada bolisika dowladda KMG waxaa uu ka mid ahaa howlagladii ugu cuslaa ee mudooyinkaan ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: