Hoos ka dhegayso Fatwadii Shabaab
Halkaan ka akhri
Akhristeyaal, SomaliSwiss waxay idiin soo gudbinaysaa Warar isugu jira codad iyo qoraallo ka tarjumaya halka ay salka ku hayso dhibaatada xargaha goosatay ee ka socota dalka Soomaaliya ee maalin kasta ay ku dhimanayaan Shacab badan oo muslimiin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo aan waxba galabsan, isla markaana u dhimanaya ama loo dilayo aragtiyo iyo ujeedooyin siyaasadeed oo loo macneeyay ama loo ekaysiiyay inay ku salaysan yihiin qaab Diin Islaam, kuwaas oo haatan galay heer marxalad kulul oo dhibaatda Soomaalida soo gaartay guud ka sokoow saamaysay ay hadda kawada qaylinayan dhaammaan Culimadii Soomaaliyeed oo isugu jira, kuwii iyagu abuuray fikiradaha qaldan ee gaalaysiinta, iyo Ridada iyo wadaado kale, innagoo qaabka ugu kooban ee ugu macquulsan idiin kugu soo bandhigi doonna Xaqiiqda wixii dhacay iyo hadda meesha ay marayso iyo cawaaqibka laga faa’iiday.
Akhristayaal intiinii hore noogu tixnayd waxaad dhagaysateen oo aan idiin soo bandhignay Fatwooyin isugu jira kuwa cusub iyo kuwa hore oo aan isugu soo kiin lifaaqnay, laguna cadaynayay inaysan Diin shaqo ku lahayn dagaallada ka socda dalka Soomaaliya. Fatwooyinkaas oo ay soo jeedinayeen, qaar ka mid ah culimadii taageeri jirtay Al-Shabaab, isla markaana ah kuwa ugu waawayn urur duumeedka Al-Ictisaam ee hore loo oran jiray Al-Itixaad kaas oo ay kasoo facameen inta badan kooxaha magca diinta ku dagaallama gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab.
Waxaan maanta idiin soo gudbinaynaa oo aad dhegaysa doontaan Fatwo, ay soo saareen xarakada Al-Shabaab taas oo Diinta looga saaray, isla markaana aad loogu aflagaadeeyay wadaadii aan hore uga soo ahdalnay idiina soo gudbinnay Fatwooyinkoodii hore iyo kuwii dambe, kuwaas oo lagu tilmaamay inay la mid yihiin Dameero Kutubo xambaarsan iyo waxyaabo kale oo uusan afkeennu karin, waxaad ka bogan doontaan inta ugu muhiimsan nuxurka Fatwo loogu talo galay wadaadadaas oo akhrinayo, Wadaadka dhinaca Fatwooyinka u qaabilsan Al-Shabaab oo magaciisa la yiraahdo Fu’aad Maxamad Khalaf (Shongalo), Dhegaystayaal Akhristayaal intiinna aan hore u dhegaysan Fatwooyinkii hore oo Culimada, waxaan la socodsiinaynaa inaad ka heli kartaan isla boggaan, waxaana idiin bilaabaynaa Fatwadii Fu’aad Maxamad Khalaf, balse marka hore aan idiin soo xusuusiyo nuxurka Fatwooyinkii hore iyo hadalladii lays waydaarsaday.Halkaan ka dhegayso Nuxurka codadkii hore iyo Fatwada Shongale Halkaan kawada Dhegayso.
HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO FATWOOYINKII CULIMADAAN EE AAN HORE U SOO GUDBINNAY
SH. UMAL [Shalay](Hadalladiisii Intii uu taagersanaa AlShabaab )
SH. UMAL [Maanta] (Markii uu Mucaaraday Al-Shabaab)
SH. SHIBILI [Shalay] ( Intii uu taagersanaa AlShabaab )
1. “Golaha dowladda Meelgaar ku sheegga ah in lagalo waa KUFRI”
SH. SHIBILI [Maanta] (Markii uu Mucaaraday Al-Shabaab)
1. “Dagaalkoodu mabanaana..Jihaad maaha..dadkey leynayaan”
SH. Idriis [Shalay] ( Intii uu taagersanaa AlShabaab ) “Waxa dadku rabo ayay rabaan…dadkooda ayay ka mid yihiin”
SH. Idriis [Maanta] (Markii uu Mucaaraday Al-Shabaab) “Ha urarnaanina, Niman Zacaamo ah…Amiiro doonaya inay ku qamaaraan dadka dhiigooda”
HALKAAN KA DHEGAYSO BAYAAN AY SOO SAAREEN CULIMADAAS.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
You must be logged in to post a comment.