HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan dowlada KMG ah iyo Saraakiil ajaanib Cadaan ay ku jiraan ay booqasho ku gaareen jiidaha hore ee dagaalka.
Wasiiradan ayaa waxaa hoggaaminayey ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, islamarkaana ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdirakiin Xasan Jaamac, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Daa’uud C/kariin Sh. Cumar.
Sidoo kale kormeerkooda Wasiirada ay
aa waxaa ku wehliyay Saraakiil Maraykan ah, kuwaasi oo rabay inay kormeer kusoo maraan goobahaasi, iyagoo si aad ah u danaynayay inay booqdaan sida Waqooyiga Muqdisho aagaga ay ka joogaan Al-Shabaab, sawiro guudna ka qaatay.
Ajaanibtan oo si aad ah looga dhowrayay sawirada, laba ka mid ah ay ka muuqanyeen sawiro si qarsoon loo qaaday ayaa waxaa ay barbar socanayeen ciidanka dowlada iyo Amisom oo ilaala ka haysay saraakiisha cadaanka ah.
Si kasta ha ahaatee Goobihii la tagay ayaa waxaa ka mid ah aagaga Woqooyiga Muqdisho sida Boondheere iyo wadooyin ka mida Degmada C/Casiis wallow aanay sidaa ugu sii dhawaan aaga dagaalka uu ka dhaco xili walba sababo dhanka ammaanka wasiirada iyo Cadaanka ajaanibta ah ee la ilaalinayay.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.