Advertisements

Qoraal ka hadlayaa Khliaafka dowlada KMG iyo Maamul goboleedka Puntland oo dhinacyo badan taabanaya.‏

Halkaan ka akhri

Waxaa Puntland iyo Dowlada isku Dirayaa , Waa Dalka oo aan Dastuur  Lahayn. Iyo Dadka oo aan Awoodoodu kala xadaysnayn.

Waxaa Khilaaf ba, an dhexyaalay mudo  madaxweynaha  Jamhuuriyada soomaaliya ee dowlada ku meelgaadhka ah  mudane Sheikh Shariif  Sheikh Axmed. Iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Mudane  Cabdiraxmaan Faroole.

Mudo sadex goor ayay ku kulmeen wadamada deriska  bilowgii kenya kulankii labaad itoobiya kulankii sadexaadna waxay ku kulmeen  jabuuti  usbuucan gudihiisa iyaga oo diiday inay wada hadlaan oo la dhexdhexaadiyo sidii hore loogu dhexdhexaadiyay wadamada deriska ah.

Dowlada ku meelgaarka ah  waxaa  jira qaladaad badan oo ay ka gashay maamulka  dowlad goboleedka puntland  taas oo muujinaysa cadaalada darada sababtay inay soomaali maalin walba kala fogaato aniga oo aan dhinacna u hiilinayn mudane madaxweyne shariif waligiis ma tegin mana booqan maamulada nabad iyo nidaamku  ka jiro  inta badan waxaad maqlaysaa iyada oo laga hadlayo horumarinta dalka  sida waxbarashada caafimaadka, ciidanka , in haddii wadanka uu ka jiro meel nabada laga sameeyo xarumo lagu horumariyo, metelan  maamul goboleedka puntland, Galmudug , Xubin iyo xeeb.  Iyo goobaaha ay culumada ahlusuna waljamaaca gacanta ku hayaan iyaga oo ka mid ah bulshada taageerta dowlada ku meelgaarka ah Waa inta  hada nabada ah , Hiiraan state, iyo waax iyo waadi waa la magaacaabay waase goobo ilaa hada xasilooni daro ka jirto.

Waxaa  inta badan ciidamada dowlada tababarkooda  lagu siiyaa wadamada deriska ah , iwaxaa sidoo kale dhaawacooda la geeyaa dibada , miyaysan ka haboonaan lahayn in lagu daweeyo  goobo ixo xarumo  caafimaad oo  qalabaysan waawayn looga sameeyo goobaha nabada ah oo ka dhaw kana haboon dhaqaalaha kenya iyo gelaya  yugaandha inuu galo soomaaliya gudaheeda.

Dhinaca kale ciidamada hadaysan ahayn saraakiil xirfad sare lagu soo barayo sidii waagii hore  ruushka iyo masar iyo amerika loogu diri  jiray waxbarshada saraakiisha  miyaysan haboobanayn  kana  qurux badnayn in ciidanka caadiga ah  in lagu tabobaro xalane , school booliisiya, ama goobaha nabada ah sida galguduud  iyo mudug iyo bari iyo nugaal.

Isku soo duub dowlada ku meelgaarka ah waa dowlad u taagan muran iyo muhiimad daro  ilaa hadana aan wax muuqda dalka ka qaban aan ahayn is qabqabsiga dhexdooda iyo  khilaafka aan dhamaadka lahayn ee baarlamaanka , xukuumada , iyo madaxweynaha u dhaxeeya.

Waxay mudo kooban mucaaradku kula wareegeen wadanka badidiisa halka aysan laba sanadood dowlad degmo ka mida xamar si buuxda u qabsan ulana wareegin.

Wali madaxweynaha soomaaliya ma soo booqan wadanka meelaha nabada ah si uu bulshada u dhiirigeliyo  taas  oo ah inuusan xilka uu sido u gudan sidii looga baahnaa maadaama  uu hal magaalo iyo hal deegaan kaga kooban yahay dalka, iyada oo aan wada ognahay inuusan  bil wada joogin wadanka gudihiisa uu yahay madaxweynihii soomaaliya ugu safarka badnaa.

Waxaa sidoo kale iswaydiin mudan  mudane farole waa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland inuusan daacad ka ahayn taageerada dowlada dhexe ee ku meelgaarka ah  iyo Federaalka isaga oo isula muuqdo madaxweyne Rasmiya oo soomaaliyeed  had iyo jeerna  Muran iyo xamaasad ka dhex wada bulshada  Bariga soomaaliya iyo Koonfurta ayaa waxaa cadaynaysaa inuusan  halmar tegin caasimada wadanka la kulmin baarlamaanka soomaaliya  mudadii la doortay taas oo cadaynaysaa inuusan  daacad ka ahayn.

Maamulada kale ee dalka ka jira dhamaantood waxay la kulmaan xukumaada dowlada ku meelgaarka ah ra,iisal wasaraaha hadba jooga, madaxweynaha , baarlamaanka  maxaa diiday inay puntland la kulanto  ,hadaba  khilaafkani maaha mid ku dhisan dan iyo wadaniyad iyo daacadnimo soomaliyeed ee  waa mid ku salaysan ujeedooyin shaqsiyadeed iyo dano  qabiil ama beeleed, ismaandhaaf  feker ahaaneed iyo nacayb ku salaysan  casabiyad.

Markii la doortay Ra,iisal wasaaraha cusub Mudane Farmaajo waxaa sii laba lixaadsaday khilaafka iyada oo Puntland muujisay inay xaq u leedahay keligeed Ra,iisalwasaaraha   waxuu soo magacaabay xukuumad xukumadiina waxay ku bilaabeen dhaleecayn iyo aflagaado badheedh ah.

Ugu danbayntii  waqtiga maanta lagu jiro maaha munaasib waqti lays qabqabsado ama mindi mindi ku taag timaado waxaa haboon samir iyo dulqaad iyo in laysu tanaasulo si loo helo qaranimadii umada soomaaliyeed   Madaxweyne Shariif  iyo Dowladiisa   Madaxweynaha Maamul Goboledka Puntalad waa inay  xaliyaan khilaafkooda waliba dalka gudihiisa waana lagama maarmaan  in la qoraa  dastuurka  kala xadaynayaa awooda  madaxweyna dowlada soomaaliya iyo madaxweyne  u gaara dhawr gobol waayo  dadku maaha caamo way dareemi karaan Øwaana in la ogaado in maamul goboleed uusan dowlad ahayne  uusana ahayn  meel gooni u taagan ee keliya ay u madax banaan yihiin hanaankooda siyasadeed ee  gudaha  si looga xoroobo qaabkii caadifiga ahaa ee in nin deegaan kale ka soo jeedaa  dhibaateeyo umada degan  deegaankaas maahaane awood ahaan  wax  farqiya uma dhaxeeyo  Duqa magaalada muqdisho, iyo  Madaxweynaha maamul goboleedka  Puntland . waxaa keliya oo ay kala duwan yihiin hada midna waxaa soo doortay madaxweynaha midna waxuu ku yimid doorasho shacab ama baarlamaan  gobol waliba wuu yeaalan karaa tiro baarlamaan ama gudi ka talisa aayahooda gaarka ah balse maaha inuu  isu arko dowlad madaxbanaan oo caalaamka ka diiwaan gashan lagana aqoonsan yahay, waayo   Madaxweynaha Soomaaliya waa mudane  Sheikh Shariif   Sharciyana hada isaga ayaa ah hogaanka dalka maaha wax sharci  simaya ama  is barbardhig ku samaynayaa madaxweynaha dowlada ku meelgaarka ah iyo madaxweyne maamul goboleed  sidaa awgeed waxaan  bulshada soomaaliyeed u sheegayaa inay isu taagaan inay ka baxaan madmadowga oo ay yeeshaan dastuur qoraal oo ku salaysan  diinta islaamka iyo caqliga saliimka ah kalana xadaynaya  Shacabka & Xukuumada markaas jirta, Xukumada dhexdeeda, Soomaaliya iyo Caalamka, iyo dhamaan  qaybaha bulshada  oo dhan mid walba siinayaa awoodiisa iyo xuquuqdiisa, kii ku xadgudbana   la tiigsanayaa  qodobka iyo xeerka u yaal ciqaabtiisaa maxkamada sare ee wadanku inay talaabo waafaqsan ka qaadato sharciga  markaas uu jebiyay.

Tusaale ahaan  Madaxweynaha Mareykanka  iyo isku awood maaha  Madaxweynaha ama Senetorka xukuma  Manisota, sidaa awgeed waa in la dhawraa sharciga lagana fogaadaa waxyaabaha  wax dhimaalaha ah iyo ismaandhaafka shaqsiyadeed , ee caadifada iyo sadbursiga ku jiro lana ilaaliya wax kasta oo qaranimada dhawaaci kara.

Shacabka Soomaaliyeed kuwa  koonfureed iyo kuwa puntland iyo kuwa bartamaha waxaa haysa abaar  qaarkoodna abaar iyo colaad kama hadlaan madaxdani waxay ka hadlaan waxyaabo iyaga dakhli ka soo gelayo ama ay isku haystaan taasi waxay muujinaysaa  wadaniyad la,aanta cadaalad darada iyo dhibaatada baaxada leh ee hogaanka siyaasadeed meel kasta ha joogee  waxaa  wali  ka muuqda  hadimooyinkii hore u naafeeyay dalkeena ee ahaa   Xukuumad ku kooban inta magacaaban   maamul  dhaqaalihiisu  galo inta  ka shaqaysa ee madaxda ah iyo cadaalad daro baahsan.

Haddii sida puntland ku doodo  loo  dhigo hadalka ma jiro puntland wax caawimo  dhinaca ciidanka iyo dhinaca dhaqaalaha  dhinaca taageerada bulshada dhibaataysan ee ay ka gaysato goobaha dhibaatadu ka jirto, waxaan markhaati ka wada nahay in bulshada qaxoontiga ah ee soo qaxday wasiiro iyo baarlamaanba ay  isku raaceen in  laga saaro deegaamada puntland .

Puntland  magaca soomaaliya ayay xukuumadeedu wax ku doonaysaa   dadka soomaalidana ma rabto waa kaaf iyo kala dheeri waayo waa   alif waxbuu leeyahay iyo malaha, labadaba xukuumada puntland waa laga hayaa.

Ugu danbayn waxaa haboon shacabweynaha soomaaliyeed  inay   taageeraana nabada   mucaarad waxaa bilaabay 1978dii reer puntland waxaana lagu waayay qarankii dhamaa ee Soomaaliya  hadana waxaa  dowladan ku meelgaarka ah jirtaa 7 sano mucaaradkeeda wada waa reer puntland  waxaana uu ahaa madaxweyniihii ugu horeeyay reer puntland maalina may mucaaradeena mana dhihin nama metelo  sidaa awgeed waxaan reer puntland kula talin lahaa inaysan mar kale soomaali  dib u celin ee ay ka waantoobaan waxyaabaha  taariikh xumada ah ee  dib u dhigayaa  dalka iyo dadka  ayna sugaan waqtigii la xisaabtamayay lama joogee waqtiga ugu haboon ee xisaabtu  macquul noqon karto haday wax tabanayaan.

Dowlada ku meel  gaadhka ah waxaa haboon  way muuqataa dal iyo dibad inay xilkeedii gudan waydee  inaysan  inta yar ee hada muuqata meesha ka saarin ee ay u baneeyan bulshada Soomaaliyeed  cidii macquula ee istaahisha inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

Dhinaca  amaanka, waxba kama qaban, dhinaca  horumarinta bulshada waxba kama qaban, dhinaca Dib u heshiisiinta, iyo Hanashada  dalka  waxba kama qaban, dhinaca  ciidankana waxba kama qaban. Waxay wax ka qabteen maanta la tilmaami karaa ma jiro  aan ahayn oo kaliya inay ilaa hada uu jiro magacii dowlada federaalka  iyaga oo galay xukuumadihii isbedelay  danbiyo fara badan oo  inshalaah nin waliba waxuu gaystay lagu xisaabtami doono, sida   lunsashada hantida qaranka  dhinac walba, heshiisyada aan waafaqsanayn sharciga,  waxaana iman doontaa  maalin nin walba  qalinkii uu saxeexay beri maxkamad lagu soo saari doono.

Waxaa dowlada ku meelgaadhka ah haboon inay bulshada ku nool deegaamada ay maamusho gaadhsiiso deeqda iyo aduunka loogu soo dhiibay inay kuwa kalena ugu dhiibto dadka  awooda u leh ee gaadhsin kara.

Inay dowladu dhamaystirto dastuurkii dalku kaga bixi lahaa  , is fahandarada siyaasadeed iyo kala xadaynta awood ay kala leeyihiin baarlamaanka, xukuumada,  madaxweynaha, iyo shacabka, in la raadiyo  qaabka ugu haboon ee bulshada soomaaliyeed oo dhan loo diiwaan gelin karo, looguna samayn karo aqoonsi iyo tixraac.

Waxaan  ku soo afjarayaa qoraalkayga, dalkuna dowlad buu rabaa  dadkuna waa daalanyahayn daryeel shacab ayay rabaan , dulmiga oo laga gudbiyo, hogaan daacaday rabaan,daayinoow samo noogu deeq, dihaalkiyo gaajadiyo, aabaaraha naga dul qaad, dabkiyo dhiiladana dami, dadkeena midno ku deeq.

Wabilaahi tawfiiq

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Afeef: Aragtida maqaallada waa mid u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: