Wasiirka Gaashaandhiga oo fariin culus u diray dadka Hubka ku heysta degmooyinka ay dowladda ka maamusho gobolka Banaadir.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa fariin culus u diray dadka Hubka ku heysta degmooyinka  ay Dowladda Maamusho ee ka tirsan  G/Banaadir

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay inay qatar gelineyso hubka ay sitaan xubnaha aan dowladda ka tirsan deegaanada ay ku heystaan, waxaana uu sheegay in Dowladda wado qorshe ay dadkaas ugala soconeyso dhaq dhaqaaqyadooda.

Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:  “Qatar bey gelineysaa ammaanka dowladda, dadka aan ka tirsaneyn ee hubka ku heysta, anaga Hubka waxaan diyaar u nahay inay sitaan Ciidamadeena, Mas’uuliyiinta”.

Wasiirka ayaa  waxaa kaloo uu digniin u diray Ciidamada Dowladda ee hubka ku dhex laafyoonaya xaafadaha qaar, kuwaasoo qaarkood aan dareys milateri wadan, waxaana uu xusay in Ciidamadaas lala xisaabtami doono.

Inkastoo hadalka Wasiirka uu yahay mid saameyn yeelan kara, ayaa hadana waxaa qeybaha Dowladda KMG ay ku sugan yihiin Hogaamiyeyaal taageersan Dowladda KMG oo dagaal kula jira Dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda, sida Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: