Ra’isal wasaare Farmaajo oo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan caasimada dalka Taliyaaniga ee Roma.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

R/wasaaraaha xukuumadda Federaalka KMG Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay kula kulmay jamacad ku tala magaalada Roma boqolaal qof oo ka tirsan jaaliyadda Soomalaiyeed ee ku nool gudaha dalka talyaaniga, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Roma.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Talyaaniga iyo Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen Nuur cadde, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga oo uu ka mid yahay Ambassador Diero iyo xubno kale.

Kulankan ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay R/wasaare Farmaajo, wuxuuna diiradda ku saarayo xaaladda ka jirta gudaha  Soomalaiya oo uga horreeyaan ammaanka iyo abaaraha saameeyay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in kulankaas ay ka hadleen qaar ka mid ah Jaaliyadda , waxayna sheegeen in jaaliyadda  ku dhaqan dalka Talyaaniga ay gacan ka gaysan doonaan sidii ay uga qayb geli laheyd soo celinta Ammaanka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee Bulshada u baahan tahay.

Sidoo kale Jaaliyaddu waxay R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa u sheegeen inay qorsheysteen sidii gurmad degdeg ah ula soo gaari lahaayeen dadka Soomalaiyeed ee ku dhibateysan abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay maanta ka soo ambabaxaan magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxana la sheegay inay ku wajahan yihiin magaallada Abu Dabai ee xarunta waddanka isutagga Imaaraadka Carabta.

SomaliSwiss     Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: