Guuleed Maxamed oo in muddo ah ku xirnaa dalka Kuwait ayaa ugu dambeyntii dib ugu laabtay dalka Mareykanka.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Halkaan ka akhri

Guuleed Maxamed oo ah Somali-American ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Kuwait,  isla markaana xabsiga lagu dhex garaacay, laguna qasbay in uu saacado taagnaado,  loona adeegsaday korontada dadka gil gisha ayaa ugu dambeyntii kusoo laabtay Mareykanka.

Guuleed Maxamed oo in muddo ah ku xirnaa dalka Kuwait isaga oo lagu daray liiska dadka aan u duuli karin dalka Mareykanka “No-Fly List” ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay gurigiisa magaalada Alexandria ee gobolka Virginia.

Guuleed Maxamed ayaa shalay kasoo degay garoonka diyaaradaha Dulles International Airport ee magaalada Washington DC, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen qoyskiisa iyo qareenkii u halgamay oo lagu magacaabo Gadeir Cabas.

Mr. Guuleed ayaa saac ku xirnaa garoonka kadib marki uu kasoo degay, halkaas oo ay su’aalo ku weydiinayeen qaar kamid ah ciidamada sirdoonka FBI-da Mareykanka.

Guuleed Maxamed ayaa markii uu dibadda uga soo baxay garoonka diyaaradaha ayaa saxaafadda la hadlay, waxaa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu kusoo laabto gurigiisa.

SomaliSwiss Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAN KA AKHRI WARKII HORE >>>>>>>Wiil Somali-American ah oo mudo ku xiran dalka Kuwait oo Sirdoonka Mareykanka ay diideen in uu dib ugu laabto dalkooda.

%d bloggers like this: