Advertisements

Culimadii waaweynaa ee urur diimeedka Al-Ictisam Ex-Al-Itixad oo taageeradi kala laabtay Al-Shabab. (Dhagayso Fatwooyinkii hadda & kuwii hore)

HOOS KA DHGAYSO FATWOOYINKA

Halkaan ka akhri

Saddex ka mid ah Kuwii ugu tunka waynaa urur diimeedkii burburay ee Al-Itixaad ee ay kasoo wax barteen ama ka soo farcameen garabyo kale oo ay ka mid tahay xarakada Al-Shabaab ayaa si isku mid ah u bedelay aragtidooda Diimeed ee ku salaysan fahamka Al-Shabaab inay xaq wadaan ama xaq darro ku joogaan.

Saddexda Sheekh ee kala ah: Sh Maxamed cabdi Umal, Sheikh Maxamuud Sheikh Maxamed Shibili iyo Sheekh Maxamad Idiris waxay hore u ahaayeen wadaadada taageera kooxaha magacyada diinta uga dagaallama Soomaaliya, waxayna hore usoo saareen fatwooyin lagu gaalaysiinayo dadka ka soo horjeeda kooxdaas, hase yeeshee hadda way bedleen aragti diimeedkaas oo waxay isku raacsan yihiin inaysan Al-Shabaab Xaq wadin, si aad u fahamto shax diimeedka socota ee inta badan culimada waqtigu u dhaqmayaan hoos ka dhgayso hadalladoodii hore iyo hadalladooda hadda. HALKAAN KA DHEGAYSO  FADWADII DAMBE EE AL-SHABAAB

Sheekh Maxamad Umal

Sh Maxamed cabdi Umal oo hore uga tirsanaa Ururkii Al-Itixaad haatanna ka mid ah Culumada Ictisaamka hogaamisa kuwa ugu waaweyn kuna nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu ahaa wadaad dhiiri galiya kooxaha  magacyada diinta ku dagaala Koofurta Soomaaliya, wuxuuna duruustiisa iyo muxaadaraadkiisa dhalinyarada ugu sheegi jiray inay hubka qataan, taasi natiijadeedii oo dhashay in qaladkii dhallinyarada loo xalaaleey jiray uu dib ugu soo laabto wadaadadii waxaas inay xaq diiniya yihiin u akhriyay ee dagaalka u diray.

Fal kasta oo ay maanta ku kacaan kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ah in la laayo, dadka wax galka ah nuuc kasta oo ay yihiin xittaa haddii ay masjidka ku jiraan,  waxaa horay ugu fatwooday Sh Umal oo si cad ugu tuhmay dad Safka hore Masjidka uga tukada inay yihiin Jawaasiis ama munaafiqiin sirdoon Gaalo iyo Ajnabi u shaqeeya. Halkaan ka dhegayso fatwadiisii hore.

Sheekh Umal Dadka caadiga ah ee uu ku tilmaamay inay munaafaqiin Jaajuusaysa Mujaahidiin yihiin ka sokoow, muxuu ka aamin sanaa dadka ay xukunka isku hayaan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, xilligii uu taageersanaa.
Halkaan ka dhegayso Hadalladiisii hore ee kaydka xusuusta SomaliSwiss.
Qof kastaahi Mirihii uu abuurto ayuu Helaa, Sh Umal iyo Culumada kale ee Al-Itixaad, Mirihii ay abuureen ayaa dib ugu soo laabtay, taas oo ay cadayn u tahay Sheekh Umal oo dhowaan Kenya ka sheegay in Dhibka ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab dadka ku hayaan uu yahay wax aan laga aamusi karin.

Hadaba si aad u fahamto Akhristoow, Culimada maanta iyo xaaladooda fasiraadda Diinta ee siyaasadda iyo waqtiga ku salaysan Labada hadal ee sheekha farqiga u dhexeeya halkaan ka dhgayso, weyna adagtahay in qofka hadalkii hore dhegaystay ee diin looga dhigay in dib looga daadiyo, waana halka ay sartu ka quruntay ee maanta xaalku marayo.

dhagayso Khudbad uu dhowaan ka jeediyay Sheekhu isagoo Kenya Jooga kana hadlaya is bedelka fikirkiisa ku aadan Al-Shabaab “dadka oo la dilayo, nin maasjidka ka soo baxay oo ay dilayaan, mid tukanaya oo ay tooganayaan , nin akhyaar ahaa oo ay dilayaan.”

Sheikh Maxamuud Shibili
Sheikh Maxamuud Sheikh Maxamed Shibili, wuxuu ka mid ahaa culimadii Al-Itixaad ee markii dambe u xuub siibtay Al-Ictisaam, waxay saxiibbo yihiin Sheekh Umal, inta abdan waa isku aragti, wuxuuhore u taageersanaa fikirka kooxda Al-Shabaab isla markaana kasoo horjeeday dhammaan inta ay talada isku hayaan ee aan la dhacsanayn fikirkooda, isagoo hore ugu sharciyeeyay Al-Shabaab inay Gaalo yihiin dadka ay la dagaalamayaan, ayna banaan tahay in ladaadiyo dhiigooda. Halkaan ka dhegayso Keydka SomaliSwiss iyo Hadalladii hore ee shiikhu jeediyay.

Hadaba si aad u fahamto, is bedelka xaaladaha, isla markaana kuugu iftiinto waxa ka socda Soomaaliya Siyaasad iyo Diin Waxa ay tahay mar kale hadana dhegayso Aragtida Diimeed ee maanta iyo is bedelka Shiikha oo hadana Diidaya waxa ay Shabaab ku dhaqmayaan oo uu ku tilmaamayo kuwa qaldan. Halkaan ka dhegayso

Sheikh Maxamed Idiriis

Sheikh Maxamed Idiriis oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed kuwa ugu  waawey ee urur diimeedkii ay kasoo farcameen Al-Shabaab ee Al-Itixaad, hase yeeshee markii dambe u xuubsiibtay hogaamiye yaasha Al-ictisaam ayaa haantan la soo baxay aragti cusub oo ka duwan tii hore loogu yaqaanay oo ahayd inuu taageero kooxaha magaca diinta uga dagaallama Soomaaliya, laakiin hadda uu kasoo horjeestay.

Si kasta ha ahaatee, aragtidan cusub ee ay lasoo abxeen Saddexda Sheekh ee uu Sheikh Idriis ka mid yahay ee ka qaatay ururka Al-Shabaab iyo kuwa kale ee daadinaya Muslimiin Soomaaliyeed dhiigooda inay qalad tahay ayaa ah mid lasoo dhoweyn karo, haddiiba aysan ahayn aragti ku saleysan dano siyaasadeed iyo kala mowqif duwanaansho firqooyin is khilaafay. Su’aasha dad badan iswaydiinayaan ayaa ah: Saddexda Wadaad waxa ay maanta fahmeen shalay mafahmi waayin ee maxay xaq uga dhigayeen oo hadana maanta xaq darro uga dhigayan haddii ay tahay cilmi ku salaysan Diin iyo shareeco. Halkaan ka dhegayso hadalkii Shiikh Idiris ee uu Al-Shabaab inaysan xaq wadin oo aan la taageeri akrin uu ku sheegay.

Halkaan ka dhgayso Waraysi Shiikh Idiriis BBC-du ka qaadday oo uu ku sheegay in waxa wadaadada qaarkood u dagaalamayaan inta ugu yari tahay Diin, inta kalee badanina tahay Dan adduun.

Halkaan ka dhegayso Bayaan Culimadaasi soo saareen bilowgii khilaafkooda Al-shabaab iyo iyaga.

Halkaan ka dhegayso Fatwadii Al-Shabaab ee loogu jawaabay Culimadaas.

SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: