Advertisements

Shir looga hadlayay amaanka dalka Soomaaliya oo lagu soo gebagebeeyey magaalada Jabuuti

Halkaan ka akhri

Shir looga hadlayay Amaanka dalka Soomaaliya oo maalmahan ka soconyey magaalada Jabuuti ayaa maanta la soo gabagabeeyey, waxaana ka soo baxay qodobbo dhawr ah oo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Q. midoobay u qaabilsan Soomaliya  Augustino Mahingo, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada KMG ee Soomaaliya , Wasiiru dowlada Wasaarada Gaashaandhiga, iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa lagu lafa guray sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa sharcigii iyo kala kala dambeyntii oo muddo haatan laga joogo 20 sano uu kala daatay, hase ahaatee waxaa si weyn looga hadlay wadadii loo mari lahaa nabadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay Qodobo aad muhim u ah, waxaa ka mid ahaa:-

1- In la xoojiyo tabarta iyo tayada ciidamada Qalabka sida.

2- In ay wada shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom

3- In Qaramada Midobay iyo Midowga Africa ay ka taageeraan Dowlada KMG ah dib u habeynta ciidamada.

Shirka markuu dhammaaday kadib waxaa si wadajir ah Shir jaraa’id u qabteen Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ku sheegeen in shirkaasi ay ka soo baxay qodobo wax weyn ka tari doonto nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

labadaasi Mas’uul oo shirka jaraa’id ka hadlay waxay muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin amaan darida ka taagan Soomaaliya sidaasi darteed loo baahan yahay si wax looga qabto amaanka Soomaaliya waxaa lagama maarmaan ah in la taageero Barnaamijka Dowladda ee ku aadan dib u habeynta ciidamada Xoogga.

Sidoo kale intuu socday shirku waxaa soo hadal qaaday Dhibaatada burcad badeedu ay ka wado xeebaha Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen in lagama maarnaan ay tahay in ahmiyada la siiyo dib u dhiska ciidamada si loo xaqiijiyo amaanka Dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: