Advertisements

Sheikh Xasan Daahir oo dadka ay abaaruhu saameeyeen kula taliyey inay ka kaaftoomaan raashiinka Hay’adaha Samafalka.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aways oo ahaa hogaamiyihii Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam ayaa ugu baaqay dadka la daalaa dhacaya abaaraha inay iska illoobaan kaalmooyinka Hay’adaha Samaflka, kuwaas oo sheegay inay dhibaato ku yihiin dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheikh Xasan Daahir Aways ayaa haatan ka mid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab wuxuuna maanta la hadlay wabaahinta isagoo sheegay in  Xarakada Al-Shabaab aysan marna u fasaxi doonin Hay’adaha samafalka in ay gar gaarsiiyaan goobaaha ay ka taliyaan.

Hay’adaha gargaarka ay doonayaan in loo ogaalaado in raashiinka yar ay bixinayaan  ku gumaystaan dadka rayidka ah ee abaaraha saameeyey ee ku sugan gobolada ka mid ah dalka Soomaaliya, sidaa waxaa shaaciyey Sheikh Xasan Daahir.

Dhanka kale Xasan Daahir wuxuu ugu baaqay dadka abaaraha la daalaadhacaya inay ka kaaftoomaan raashinka ay bixinayaan Hay’adaha Samafalka, hase ahaatee  wuxuu soo hadal qaaday abaarihii ka dhacay dalka Soomaailya sanadiihii 1991-dii ila iyo 1992-da taasi oo uu sheegay in wax laga dhaxlay ay aheyd dhibaatooyin ay gaysteen Hay’adaha Samafalka oo xiligaasi gar gaarka bixin jiray, wuxuuna caddeeyey in haddii Al Shabab  ay u fasaxaan Hay’adahaas inay geeyaan gargaar goobaha ka taliyaan ay ka imaan kartodhibaatooyin kuwaasi la mid ah ay ka gaysan doonaan.

Hase yeeshee ugu danbeyntii wuxuu Sheikh Xasan Daahir Aways ugu baaqay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed in ay is gargaaraan islamarkaana midba midka kale uu taakuleeyo si looga samato-baxo abaaraha baahsan ee ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: