Advertisements

Ra’isal wasaare Farmaajo oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga Silvio Berluskoni.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ay maanta wada kulmeen R/-wasaaraha dalka Taliyaaniga Silvio Berlusconi, waxayna ka wada hadleen Xiriirka labada dalka, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya wuxuu ka qayb galay shalay kulamo looga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo xiriirka u dhaxeeya dowladaha Talyaaniga iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Kulankaas ayaa si aad ah loogu wada hadlay sidii dowladda Talyaaniga ay u garab istaagi laheeyd dowladda KMG Soomaaliya dhaqaalana ay ugu deeqi laheyd si wax looga qabto xaaladda amaan, mida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo intiisa badan Ra’iisul Farmaajo uu sheegay in ay gacanta ku hayana Xarakada Al Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa sheegay inay aad iyo aad uga xun yihiin dhibaatooyinka dalka Soomaaliya, wuxuuna ballanqaad buuxda siiyey Ra’iisul Wasaare Formaajo inuu si shaqsi ah arrimaha Soomaaliya ugu soo jeesanaya, isla markaana uu sheegay inay kordhinayaan dhammaan taageeradooda dhanka siyaasadda iyo dhaqaalahaba.

Sidoo kale Berlusconi ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka horumarinta, sida mashaariic cusub iwm, waxaa kaloo Ra’iisul Wasaare Berlusconi wuxuu sheegay inuu hadda wixii ka danbeeya xiriirka labada dal iyo sidii ay Talyaaniga gacan weyn u siin lahaa dowladda Somalia ayna ka wada shaqeyn doonaan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa ka hor inta uusan la kulmin Mas’uuliyiinta ugu sar sareeysa dalka Talyaaniga la hadlay Warbaainta islamarkaana u sheegay in kulamada uu la qaadanayo madaxda Talyaaniga uu kala hadlayo xaalada Soomaaliya iyo xiriirkii u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Hase yeeshee Ra’iisul wasaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda sare sare ee Caalamka kuwaasi oo kala hadlayay sidii wax looga qaban laha xaaladaha amaan ee faraha kasii baxaysa ee wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss Roma

SomaliSwiss@hotmail.com



Advertisements
%d bloggers like this: