Advertisements

Ra’isal wasaare Farmaajo oo madaxda dalka Talyaaniga kulan kula qaatay magaalada Roma.

Halkaan ka akhri

Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, ayaa la sheegay inuu gaaray R/wasaaraha xukuumadda KMG oo qoorsheysan inuu kulamo kula qaato madaxda dalkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in R/wasaare Farmaajo uu la kulmi doono ugu horreyntii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taliyaaniga Mudane Faranco Frattini labadaan waxayna  ka wada hadli doonaan labada masuul xiriirka labada wadan iyo dhanka sugidda amaan ee soomaaliya.

Dhanka kale waxaa la sheegay in ra’iisul wasaare uu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiin dhowr ah  oo ka tirsan Xukuumada talyaaniga oo ugu horreeyo dhiggiisa dalka Taliyaaniga ee Barlusconi.

Ugu dambeyntii ayaa la filayaa ra’iisul wasaare farmaajo markii uu soo gabagabeeyo kulamada uu la yeelan doonno madaxda wadanka talyaaniga la qaadan jaaliyadaha soomaaliya eek u dhaqan wadankaasi talyaaniga. Xilli uu ra’iisul wasaare kulamo kula qaatay wadanka mareykanka madax ka tirsan wadankaasi.

SomaliSwiss  Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: