Advertisements

Qabanqaabo iyo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo shirka wada tashiga Aayaha dalka Soomaaliya ee ka dhaci doono dalka Jabuuti

Halkaan ka akhri

War aan wali la shaacin oo si hoose uga socda magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, gaar ahaan gobolada Puntland ayaa la sheegay in qabanqaabo loogu jiro shirweyne wada tashi oo loo qabanay qeybaha bulshada Soomaaliyeed uga furmaya dalka Jabuuti, waxaana shirkaasi la sheegay inay ka qeyb gelayaan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, Culumaa’udiinka, odayaasha waxgaradka, aqoonyahanada, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada dhallinyarada iyo ururrada haweenka.

Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ee aan ka helnay ilo Diblomaasiyadeed ayaa sheegaya inuu jiro dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo shirka wada tashiga Aayaha dalka Soomaaliya ee ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya inuu qabanqaabinayo xafiiska QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyadoo casuumadaha ka qeyb galka shirkaasina ay ka socoto magaalada Muqdisho iyo gobolada Puntland.

Shirweynaha looga tashanayo Aayaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe ka furmi doono dalka Jabuuti, inkastoo ay jiraan is qabqabsi ka dhashay qeybinta waraaqaha casuumaada ka qeyb galka shirkaasi una dhaxeeya ergada Soomaalida ah ee ka socota qeybaha bulshada, taasi oo laga cabsi qabo in mudada shirka uu furmayo dib u dhac ku yimaado.

Shirweynahan loo qaban doono Soomaalia oo ay qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa looga hadli doonaa in ergada ka qeyb galeysa ay talooyin iyo fikrado ka bixiyaan aragtidooda ku aadan qaabka Soomaaliya u yeelan lahayd Dowlad rasmi ah oo aan ahayn mid Ku meel gaar ah, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegayaan in talooyinka ergada shirka lagu dhisi doono dowladda rasmiga ah ee dalka Soomaaliya.

Qabanqaabada shirweynaha ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa soo ifbaxay kaddib markii Dowladda Federaalka KMG ah uu sii dhammaanayo mudada jiritaankeeda, hase yeeshee qabanqaabada iyo diyaar garowga shirka ilaa iyo iminka lama sheegin inay ka qeyb geli doonaan xubno ka tirsan Dowladda KMG ah iyo in kale.

SomaliSwiss Z├╝rich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: