Advertisements

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta duhurkii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo qayb galeen shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar, wuxuuna kulamo la soo yeeshay intuu joogay dalalka Jabuuti iyo Masar masuuliyiin ka tirsan beesha Caalamka.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxay maanta duhurkii ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey, Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu horeyn safakirkii uu ku tagay dalka Jabuuti wuxuuna halkaas uga qayb galay tababar loo furayey Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kadibna wuxuu halkaas uga gudbay inuu ka qeyb galo kulankii Madaxdaa Jaamacadda Carabtaoo shalay galab ugu soo gaba-gaboobay Magaalada Sharma el sheikh ee dalka Masar, waxaana shirka looga hadlayay arrimo la xiriiro xaaladaha wadamada carabta oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Hase yeeshee markuu Madaxweynuhu ka  soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada ma jiro wax hadal ah uu siiyay Warbaahintii ku sugneeyd garoonka Muqdisho hase ahaatee masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegeen in Madaxweynuu Maalmaha soo aadan uu faah faahin ka bixin doono waxyaabaha safarkiisa ugu soo qabsoomay.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: