Advertisements

Dowladaha Mareykanka, Norway, Kuwait iyo Kenya oo ku dagaalamaya Patrol-ka dalka Soomaaliya. (Xog Rasmiya)

Halkaan ka akhri

Shirkado laga leeyahay wadamada Mareykanka, Norway, Kuwait iyo Kenya ayaa Soomaaliya kawada, howlo lasheegay inay isugu jiraan shidaal baaris iyo qodis, kuwaas oo xoogoodu uu ka socdo, gudaha badweynta Soomaaliya, taas oo in badan oo hay’adaha arrimaha Patroolka lasocdaahi ay xaqiijinayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Soomaaliya soo gaartay, shirkada laga leeyahay dalka Norway (CLEAR OCEAN) oo sheegtay inay Soomaaliya heshiis lagu ilaalinayo Badda  lasoo gashay dowladda KMG ah, iyadoo ay hore u jirtay shirkada kale oo Norwijiyaan ah, taas oo Qas iyo fowdo ka wadday Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo quud daraynayso inay howl ka qabato, halka shirkadaasi ay mar hore Kenya u bilowday shidaal laga raadinayo Badda Soomaaliya oo muran lageliyay ayaan hore.

Shirkadda Cusub ee Shalay timid ayaa Ciidanka Mileteriga Norway kasoo iinsatay Markab dagaal, Lix diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah iyo tobaneeyo maraakiib kale, mana cadda cidda laheshiisay iyo goorta heshiiskaas u dhamaanayo, inkastoo wararka qaar tibaaxayaan toban sano.

Hore waxaa Soomaaliya u joogay, shirkado lasheegay inay amaanka ku shaqo leeyihiin oo ay heshiisyo lasoo gashay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, hase yeeshee ay shaki badan ka muujiyeen Soomaalida, maadaama aan lagaranayn, cidda lasoo heshiisay iyo waxa ay xaqiiqdii qabanayaan, inkastoo ay hadda cadaatay inay dalka Soomaaliya u tagaan inay caawiyaan shirkado shidaal baaris samaynaya.

warbixinno ay heshay SomaliSwiss ayaa qeexaya in Shirkadda SARACEN iyo ciidamda ay tababarayso, wadanka carabta ah ee soo diray isla markaana maalgeinaya ee isqariyay uu yahay dalka Kuwait oo shirkad shidaalka baarta oo ay leeyihiin ay heshiis hore ula galeen dowladihii KMG ahaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay.

Shirkaddaan Kuwait oo lagu magacaabo Kuwiat Energy ayaa lasheegay in marka ugu horeysa ay ka howl bilaabayso dhulka Badda iyo Berriga, waqooyi bari ee Soomaaliya oo ay hore baaritaanno ugu sameeyaan shirkado Maraykan ah oo ay la heshiiyeen dowladihii Soomaaliya ee ka horeeyay 1991, waxayna wararku tibaaxayaan in Shirkadahaas Mareykanka ah, gaar ahaan Conoco iyo Kuwait Energy wada shaqeyn ay ka dhexeyso.

Kuwait Energy iyo dowladda KMG ah ayaa ku  heshiiyay in Shidaalka lasoo saaro 51% ay leedahay dowladda Soomaaliya, shirkaduna ay leedahay 49% muddo 70 sano ah, sida ay cadeynayaan documentiyo lakala qortay iyo ilo wareedyo kale oo xiganaya qaybaha ay ka dhexeyso shaqadaani.

Khubarada  ku xeel dheer arrimaha Patroolka iyo qeyraadka la xiriira, waxay isku wada raaceen, inuu Soomaaliya dangiigo, Gaas aan xisaab lahayn iyo patrool kale oo kala duwan, waxaana jira tartanno kala duwan oo howshaas laysku garbinayo, iyadoo isriix riixaasi uu sababi karo in Soomaaliya wayso, qaybo ka mid ah dhul badeedka ay leedahay oo uu socdo, qorshe si dadbadan loogu wareejinayo Kenya, iyadoo hore loogu heshiiyay in Shirkad Norwijiyaan ah ay dhamayso barnaamishkaas iyo qarashka ku baxayba, ayna qaadato qandaraaska wax soo saarka, shirkadaas oo sabab u ahayd heshiis beenaadkii IS AFGARAD ee ay ayaan hore saxiixeen Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa jira Shirkado Mareykan ah oo hore looga iibiyay laysinka Patrool baarista iyo qodista dalka Soomaaliya oo dhan, kuwaas oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay quud daraynayay inay mar uun arkaan, Soomaaliya oo nabad ka dhacdo, si ay howshooda u qabsadaan, hase yeeshee waxaa muuqata inay hadda laysinnada ka ijaaranayaan, shirkado ama dowlado kale oo laqiyaasayo inaysan Soomaalidu ka dudeyn.

Shirkadaha Heshiisyadii Hore ee Shidaal Qodista La Galay Soomaaliya bur burkii dowladdii kacaanka ee lariday 1991 ka hor waxay kala yihiin; CHEVRON, CONOCO, AMOCO,  PHILLIPS, PARKER iyo CONOCO,  MOBIL, SHELL iyo kuwa kale, shirkadahaan oo intooda badan Mareykan ah waxaa dhammaan lala galay heshiisyo, waxayna heystaan ruqsado, inkastoo ay kala duwanaayeen, meelaha shirkad kasta u xilsaarneyd.

* January 31, 1986: CHEVRON iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis shidaal laga baarayo dhulka loo yaqaan Guban, aag baaxadiisu dhan tahay 40,509 Km2 oo ku dherersan xeebta Woqooyi Galbeed.

* July 8 , 1986: CONOCO iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis batrool looga baarayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 98,700 Km2 oo ka mid ah Gobolada Nugaal, Sool iyo Togdheer.

* May 5, 1987: AMOCO iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis batrool looga baarayo dhul baaxadiisu dhan tahay 35,091 Km2 oo ah Meel loo bixiyey Blocks 6, 9, iyo 12, oo ah Woqoyiga iyo Koonfurta magaaladda Muqdisho.

* October 19, 1988: CONOCO ayaa ballaarisay baaritaankii shidaalka ee ay ka waddey Soomaaliya kaddib markii ay dowladdii kacaanka la gashay heshiis ay ku baxaysey lacag dhan 20 million dollars oo loogu talo galay agagga blocks 33 iyo 34 oo ku yaal ari, Sool iyo Nugal, Woqooyi-Bari ee Soomaaliya [Bari, Sool iyo Nugal].

* November 29, 1989: PHILLIPS iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis shidaal lagaga baarayey dhul baaxadiisu ahayd 14,165 km2 oo ka mid ah Soomaaliya…

* September 6, 1989: PARKER iyo CONOCO ayaa kala saxiixday heshiis shidaal looga baarayo aagga Magaalaad Laascaanood ee Soomaaliya..

* August 30, 1990 : MOBIL iyo SHELL ayaa heshiis waxay ku gaareen baaritaan shidaal lagu samaynayo meel ka mid ah dhulka Soomaalida ee Badweynta Hindiya. Shirkadda Shell waxay xilligaas baaritaan ku samaysay aag baaxaddiisu dhan uu dhammaa 60,300 Km2.

Shirkadda WESTERN GECO oo ay leedahay dowladda Norway, isla markaana ah, tii sababta u ahayd, heshiis beenaadkii IS-FAHAM ee dhex maray Somaliya iyo Kenya ayaa hore Badda Soomaaliya shidaal uga baartay, shirkadda WESTERN GECO oo ay xarunteedu tahay waddanka Norway ayaa sanadkii 1980kii billowday in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe. Wajigii labaadna Baraawe ilaa hoboyo, hase yeeshee dhowr bilood ka dib ayaa shaqadii laga joojiyay markii ay ashtako dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyeen shirkadihii hore ruqsadda loo siiyay, waana sababta hadda shirkaddaan iyo kuwa kale oo Mareykan ah waqti badan ugu luminayaan dhul badeedka Soomaaliya inay si farsamaysan ugu wareejiyaan dowladda Kenya, maadaama ay ku adkaatay inay Soomaaliya shaqadooda kasii wadaan.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN),  ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR,  Total-Fina-ELF (French company).  Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.

Warar badan oo laga helay hay’ado waawayn iyo Machadyo cilmi baaris oo saldhigoodu yahay dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Norway iyo Meelo kale ayaa isku raacsan in sababta ugu wayn ee Maraykanku u joogo biyaha Soomaaliya ay tahay, isagoo doonaya inuu u dhowaado wadamada uu ku jiro patroolku ee Africa, iyadoo warbixinnnadaas iyo khubaro kala duwan sheegeen in hadda Mareykanku wadamada Africa ka iibsado Patroolka laga isticmaalo Mareykanka 10%, wuxuuna qorshuhu yahay in 10-ka sano ee soo socda lagaarsiiyo 25%.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: