Advertisements

Sirdoonka Mareykanka iyo Ethiopia oo gacanta ku dhigay Sarkaalkii ciidamada ee Sheikh Xasan Daahir Aweys.

Halkaan ka akhri

Taliyihii Gaashaan-Dhigga Xisbul Islaamkii Burburay ee Sheikh Xasan Daahir Aweys ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Mareykanka iyo Itoobiya, xilli isaga iyo Laba Horjooge oo kale ay ku sugnaayeen Hoteel Ku yaalla Magaalada Hargeysa oo ay ku tageen si dhuumaalaysiya.

C/Qaadir Kumaandoos Taliyihii ciidamada Xisbul Islaamkii Burburay ayaa todobaad kahor isaga cararay magaaladda Muqdisho, markii hogaamiye-yaasha Al-Shabaab, garabka Milatu Ibraahiim ee ka amar qaata Ibraahim Afkhaani ay ku xakumeen toogasho isaga iyo 3 sarkaal oo kale.

Kumaandoos oo ahaa, ninkii Al-Shabaab kula dagaalamay Buur-Hakaba ayaa maalmo ka hor gaaray magaaladda Hargeysa ee maamulka Somaliland, waxaana Hoteel uu ku dhuumanayay kala baxay ciidanka sirdoonka Somaliland oo u muuqday kuwa hore ula sii socday imaanshihiisa, isla markaana kala baxay Hoteelkii uu ku xirnaa.

Warar Hoose oo ay SomaliSwiss ka heleyso magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya, in C/Qaadir Kumaandoos oo 3 habeen oo hore hayeen Ciidanka SomaliLand xalay loo gacan geliyay, koox Milateri ah oo ku qaatay diyaarad yar oo ay wateen, lamana hubo in cidda loo gacan geliyay ay tahay ciidamada Mareykanka ee Africom ama sirdoonka Itoobiya.

Warkaas SomaliSwiss ka helayso Hargeysa, maxaqiijinayo, cidda lagu wareejiyay C/qaadir Comandoos, waxaana la sheegay in lagu qaaday diyaarad aan lahayn wax calaamad ah ama Calan lagu garto, hase yeeshee waxay ilahaasi tibaaxayaan inay ahaayeen saraakiil Sirdoon oo Mareykan ah, ama Itoobiyaan, kuwaas oo la shegay inay hore dad la doonayay uga qaadeen Hargeysa.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Warbaahinta SomaliLand laga mamnuucay ka hadalka dhammaan arrimaha ku saabsan qabashada iyo xiritaanka kooxaha ka dagaalama Koofurta Soomaaliya, oo siyaabo qarsoon ku taga SomaliLand oo ay uga sii gudbaan meelo kale.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: