Advertisements

Shir Madaxeedkii Caadiga ahaa ee Ururka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar.


Halkaan ka akhri

Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Sharma sheikh ee dalka Masar shirkii Caadiga ahaa Madaxda wadamada Jaamacadda Carabta,  waxaana Soomaaliya sanadkan uu uga qeyb galayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha KMG Soomaaliya Sh. Shariif  Sheikh Axmad.

Kulanka Madaxeedkan ayaa waxaa looga hadli doono xaaladaha Falastiin Soomaaliya iyo dalka Tunusiya.

Sida caadada ahayd waxaa lagu wadaa in shirkan uu Madaxweynaha KMG Soomaaliya Sheeikh Shariif uu ka jeediyo khudbad ku saabsan arrimaha muragsan ee dalka Soomaaliya iyo sida Dowladda KMG ah ay uga go’antahay in ay ugu soo celin lahayd amaanka iyo kala danbeynta dowladnimo.

Hase yeeshee waxaa Shirkani laga filayaa in ay ka soo baxaan go’aanno waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed oo haatan la daala dhacaya waxyeelada dagaalada iyo aafooyinka abaaraha oo  isbiirsaday ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya sidii loogu badbaadin lahaa.

SomaliSwiss    Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: