Advertisements

Ra’isal wasare Farmaajo oo ka hadlay waxa keenay kalsooni darrida ay sheegteen Maamulka Puntland.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul-wasare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa sheegay in uu wada hadal la furayo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland islamarkaana uu kala hadlayo go’aankii ay ka qaateen dowladda KMG Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa wuxuu Wareysi uu siiyey Raadiyaha BBC-da wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay arrinta ay ku dhawaaqday Putland oo ahay inay kala laabatay dowladda KMG kalsoonidii, wuxuuna tibaaxay in wada hadal ku’aadan waxyabaha keenay qilaafkaas uu la yeelan doono Madaxda Maamulka Putnland.

Farmaajo ayaa wuxuu nasiib daro ku tilmaamay go’aanka ay gaareen golaha wasiirada Maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in shacabka ku nool deegaanadaas ay ogyihiin inay taageersan yihiin dowladda KMG hase ahaatee go’aanka ay gaareen madaxda Puntland waan kala hadli doonaa si aan u ogaano waxa keenay.

Dorraat ayay aheeyd markii golaha wasiirada ee Puntland kulan deg deg ah ay ku yeesheen Xarunta Maamulka Puntland ee magaalada Garowe ay kasoo saareen in xiriirkii ay u jareen dowladda KMG Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay kasoo horjeesatay hormarka deegaanada iyo shacabka Putnland.

Go’aankaas ayaa waxaa warbaahinta u soo bandhigay Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland Daa’uud Max’ed Cumar, kadib  markuu dhamaaday kulankaas, wuxuuna sheegay in gabi ahaamba uu bur buray xiriirkii ka dhaxeeyay Maamulka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya oo uu sheegay in dowladda Federaalku ay hortaagan tahay horumarka Maamulka Goboleedka Puntland.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: