Advertisements

Faroole oo sheegay in Ra’isal wasaare Farmaajo uu yahay qof xilkaas la keensaday, loona dhiibtay.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa ka jawaabay hadal shalay uu bixiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay in uu yahay qof meesha la keensaday oo loo dhiibtay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Faroole oo maanta safar u aaday Magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xili uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxaa uu ka hadlay hadal shalay uu BBC-da siiyay R/wasaaraha dowladda KMG oo ku aadanaa arigtidiisa go’aankii Puntland ay xariirka ugu jireen dowladda KMG Soomaaliya.

Ugu horeyntii Madaxweyne Faroole wuxuu difaacay go’aanka Puntland ay kalsoonida ugala laabatay dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu xusay in hadalka R/wasaaraha ee ahaa in Soomaaliya oo dhan ay wakiil ka tahay dowladda KMG Soomaaliya uu yahay mid uusan ka fiirsan, isagoo xusay in Puntland ay go’aankeeda leedahay.

Waxaa dadka siyaadda u dhuun doloola ayaa csddeeyey in Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole uu hadalo qalafsan ku weeraray R/wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, waxaana uu yiri “ ninkaasi waa nin meesha la keensaday, ma naqaan waxaa uu inooga dabahadlay, balse waxaan leenahay xeradaad ku ekaaw”

Dhanka kale Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay safarkiisa ku aadan Jabuuti, wuxuu tilmaamay in halkaasi uu kula soo kulmi doono madaxda urur goboleedka IGAD, masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ka mid yahay Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga iyo wadamada deeqda bixia ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Maamul goboleedka Puntland, waxana la filayaa in kulanka ay Jabuuti ku soo qaadanayaan looga hadlo go’aanka ay xariirka ugu jireen dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: