Advertisements

Afhayeenka xarakada Al-Shabaab oo si kulul u cambaareeyey kulankii Qaramada Midoobay ee dhawaan ka dhacay magaalada New York.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Xarakada AL-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo qadka isgaarsiinta shir jaraa’id ugu qabtay qaar ka tirsan warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgala Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyay kulankii dhawaan ka dhacay magaalada New York ee xarunta Q/midoobay.

Sheikh Cali dheere oo ka haslayey Kulankii Qaramada Midoobay wuxuu yiri: “Kulankii gaalada Midowday ay ku yeesheen Mareykanka waxay ku cadeeyeen cadaawada ay u qabaan muslimiinta Soomaaliya ee dalka u horseeday iftiinka Islaamka, waxayna cadeysteen cadaawada ay noo qabaan mar hadey ku baaqeen in ciidamo shisheeye loo soo diro Soomaaliya”, hase ahaatee waxaa hadaldiisa ay ka muuqdeen  caro xooggan oo uu u  qabo Qaramada Midoobay iyo dawlada KMG ah.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa eedeyn  iyo inkaar dusha uga tuuray masuuliyiinta sare ee dawlada oo uu ku tilmaamay inay ku suganyihiin meelo kooban, kuwaasoo uu sheegay in ay  ka iibasadeen shirkadi shisheeye goobaha muhiimka ah sida Dekedda, Airopor-ka iyo KM4 isagoo hoosta ka xariiqay hadii ay dalkoo dhan maamuli lahaayeena ay sidaas oo kale u iibsan lahaayeen.

Dhinaca kale Sheikh Cali dheere ayaa si dadban ugu hanjabay warbaahinta madaxa banaan, isagoo u kala qeybiyay kuwo uu ku tilmaamay in ay yihiin u adeegayaasha cadowga iyo kuwo calooshood u shaqeystayaal ah oo uu sheegay in ay been ka faafiyaan wilaayaadka ay maamulaan xarkada shabaab.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: