Advertisements

Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ka dooday qabyo qoraalka sharciga ciqaabta Burcad badeedda.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada  Golaha Baarlamanka KMG Soomaliya ayaa maanta fadhi ay uga doodayeen qabyo qoraleedka sharciga Ciqaabta Burcadbadeedda ku yeeshay xarunta Golaha shacbiga ee Magaalada Muqdisho iyadoo Guddoonka baarlamanka uu Xubno hor leh ku biiriyay Guddiga garsoorka iyo cadaaladda baarlamanka si ay shareecada Islaamka u waafajiyaan Xeerkan ay soo gudbisay wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya.

Fadhigan ayaa waxaa shir guddoominayey Kusimaha Guddoomiyaha golaha Baarlamanka ahna kuxigeenka 1aad ee Baarlamnka mudane C/weli Ibraahim Sh. Muudey iyadoo ay madasha shirka soo xaadireen 279-Mudane oo ka tirsan xubnaha golaha baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa ugu horreyntii madasha shirka ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka iyo caddaaladda ee Baarlamaanka KMG Soomaaaliya Sh. Jaamac Xaaji Xuseen, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay taladii ay ka soo bixiyeen qabyo qoraaleedka xeerka lagu ciqaabayo Burcad badeedda.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga garsoorka ayaa wuxuu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in Qodobadda xeerkaaasi la waafajiyo Shareecada Islaamka waxa uuna ka codsaday xubanaha golaha baarlamanka inay muddo 5-Cishood ah siiyaan Xubnaha Guddigaasi si ay qodobada xeerka oo dhan u waafajiyaan Shareecada Islaamka.

Hase yeeshee Xildhibaanada ka qeyb qaatay Doodda sharcidan ayaa waxay intooda badan taageereen Codsiga guddiga ee ahaa in loo baahan yahay in laga warsugo inta ay guddiga ka soo gudbinayaan qabyo qoraalka sharcigan oo la doonayo in Qodobadiisa la waafajiyo Shareecada Islaamka.

Gabagabdii Kulanka Baarlamanka ayaa waxaa ka hadalay ku-simaha guddoomiyaha golaha baarlamanka ahna Ku Xigeenka 1aad ee Guddoomiyaha Baarlamanka C/weli Ibraaahim Sh. Muudey wuxuu madasha shirka uga dhawaaqay 6-Xubnood oo cusub kuwaaas oo lagu kordhiyay guddiga garsoorka iyo caddaaladda  ee baarlamaanka Soomaaliya si ay shareecada Islaamka u waafajiyaaan qodobada qabyo qoraaleedka Xeerka Ciqaaabta burcad badeeda.

Magacyada lagu kordhiyay xubnaha Guddiga waxaa ka mid ahaa:

1. Xildhibaan Muuse Nuur Amiin.

2. Xildhibaaan Abuukaate Cumar Xasan Zubeyr.

3. Xildhibna Sh. C/qaliq.

4. Xildhibaan Sh. Axmed C/llaahi Xuseen Fanax.

5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd

6. Xildhibaaan Sh. C/qaaadir Sheikh Cali.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: