HOOS KS DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Waxaa shalay galabnimo dalka Jabuuti Tabar Ciidan loogu furay dalka Jabuuti Askar gaaraysa ilaa 500 qof, waxaana  munaasabadda furitaanka tababarka  ciidankaas  ka soo  qeyb galay Madax sar sare oo ka kala socotay dowlada Soomaaliya,Jabuuti iyo Qaramada Midoobay, waxana ka mid ahaa  Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed,Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ,Ra’iisul wasaarihiisa Dileyti Maxamed Dileyti iyo Augustine Mahiga u qeybsanaha Qaramada Midoobe ee Arimaha Soomaaliya waxayna dhammaantood ka hadleen Munaasabadda tababar loogu furayay ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Munaasabada ayaa waxay ahayd mid aad u weyn oo 500-Askari oo ka tirsan Cidanka Boliiska Soomaaliya oo tababar loogu furay gudaha dalkaasi Jabuuti si ay wax badan uga badalaan marka ay tababarka qaataan arimaha dalka soomaaliya oo xaaladiisa ay murugaysan tahay.
Sidoo kale dhammaan madaxdii ka hadashay munaasabadaas ayaa waxay muujiyeen faa’iidada ka dhalan karta tababarka Ciidankan Booliiska ah oo ay rajjo balaaran ka muujiyeen in ay wax badan ka badalaan dalka soomaaliya oo xaalad adag ku sugan.
SomaliSwiss   Jabuuti
Filed under: Djibouti |
You must be logged in to post a comment.