Advertisements

Shirkii ka dhacayay magaalada Oslo oo laga soo saaray Warmurtiyadeed ka kooban shan qodob.

Halkaan ka akhri

Shir xasaasi ahaa oo looga wada thadlayey ka fogaanshaha iyo ka-hortagga xagjirnimada oo ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norwey oo ahaa kii labaad oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday Dowladaha Norway, Denmar, Finland, Sweden iyo DKM Soomaaliya ayaa waxaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed wax ku ool ah.

Waxaa dorraat  lagu soo gabagabeeyay magaalada Oslo ee caasimadda Norway kulan loogu magacdaray NABAD KUWADA NOOLAANSHAHA, WADAHADALKA IYO KA-HORTAGGA XAGJIRNIMADA.

Kulankan oo soconayay laba maalmood, 13-14 bishan Jannaayo 2011 ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday afarta dal deriska ah ee Waqooyiga Yurub, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay mas’uuliyin sarsare oo ka socdey dowladda Soomaaliya.

Qabanqaabada Shirkan ayaa waxaa iska lahaa  Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Yurub, ayaa waxaa ka soo qaybgalay wafuud heersare ah oo ka kala socotay wasaaradaha arrimaha dibedda waddamada waqooyiga Yurub, aqoonyahanno soomaali iyo, wakiillo safaaradeed iyo wafdi heer sare oo ka socday dowladda Soomaaliya oo uu horkacayay Wasiirka arimaha dibedda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha dibedda Norway Espen Barth Eide, Haweeneyda Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Iswiidhan wakiilka uga ah Geeska Afrika Marika Fahlen, Lene Schumacher oo ka socotay W. A. Dibedda ee Denmark, Pauliina Hellman oo ka socotay W. A. Dibedda ee Finland, Tarja Mankkinen iyo Saciid Aadan oo ka socday W. A. Gudaha ee Finland, Ingrid Koech oo ka socotay xafiiska arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaalia Sahra Cali Samantar, Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Talyaaniga iyo midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “TARZAN”, Xildhibaanno ay ka mid ahaayeen DRS Aamino Saciid, Cabdulqaadir Cukaashe, madaxa Golaha Muslimiinta Denmark Dr Asmet Mojaddedi, wakiillo ka socday safaarada maraykan ee Iswiidhan iyo Norway iyo aqoonyahanno isugu jira Soomali iyo Ajaanib.

Kulankani oo ah kii labaad ee ka dhaca Waqooyiga Yurub, soconayayna labada maalmood Khamiista iyo Jimcaha 13-14 Jannaayo-2011 ayaa lagu gorfeeyay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya loogana hortagi lahaa xagjirnimada iyadoo la adeegsanayo wadahadal iyo wacyi gelin.

Injineer Cabdi Cashuur oo ah Guddoomiyaha Midowga Ururada Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliya oo xiriirinayay kulankan ayaa furitaankii shirka carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahalka iyo wacyi gelinta.

Madasha oo aan loo kala harin ayaa mas’uuliyiintii, siyaasiyiintii iyo aqoonyankii kasoo qaybgalay ka wada dhawaajiyeen dhibaatada xagjirnimada iyo fowdada ka taagan Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena sabab uga dhigay aqoondarada, gaajada iyo barakaca ayna u dheertahay nidaam la’aanta ka jirta dalka.

Waxaa xusid gaar ah mudan Madaxa golaha Muslimiinta Denmarka Dr. Asmat Mojaddedi oo madasha ka jeediyay muxaadaro qiima badan oo ku saabsaneyd fahamka wanaagsan ee diinta Islaamka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in ummadda muslimiinta yihiin kuwa nabadda jecel diintuna fareyso nabad kuwada noolaanshaha umadaha, dambiyada magaca diinta lagu galayana dusha looga tuurin Rususha.

Ugu danbeyntii markii la soo gabagabeeyeyi shirka ayaa waxaa  wafdigii dowladda KMG ka socday kulan la qaateen bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ee dalka Norway. Madaxda dowladda ayaa ka dalbay qurbo joogta iyo aqoonyahanka soomaaliyeed in ay iyagu isku tashadaan, una istaagaan dalkooda.

Kulankaan ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyadeed shan ka kooban qodob oo loo qaybiyay ka soo qaybgalayaasha shirka.

Warmurtiyeedka wuxuu u qornaa sidatan:

1. Lagu cambaareeyay xagjirnimada iyo dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

2. In hay’adaha gargaarka si deg-degah uga soo gaareen shacabka soomaaliyeed.

3. In aqoonyahanka qurbo joogta soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan nabadeynta, siyaasadda, gargaarka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

4. Qiridda in beesha caalamka ay dowr muhiim ah ka cayaarayso xal u helidda dhibaatada soomaaliya.

5. Mahad ballaaran oo loo diray wasaaradda A. Dibedda waddanka Norway oo qayb libaax ah ka qaadatay suura gelinta qabsoomidda kulankan.
Sidoo kale dowladda KMG oo soo dirtay wafdi heer sare ah oo ka soo qaybgalay kulankan.

Shirkani oo ahaa kii labaad ee noocaan oo kale ah oo ka dhaca Waqooyiga Yurub, ayaa kii ugu horreeyay ka dhacay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden 16-17 Abriil 2010.Iyadoo sidoo kalena shirka kan xigo uu ka dhici doono waddanka Finland.

SomaliSwiss    Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: