Madax ka tirsan dowladda KMG oo ka hadashay go’aankii Puntland ee la xiriiray in aysan ka mid ahayn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa isa soo taraya ka hadalka xaaladda Siyaasadda ee la xiriirta hab ku dhaqanka dawlad Federaal ah iyo xuquuqda maamul goboleedyada sidaas awgeed waxaa maamul goboleedka Puntland ka soo yeeray inay xiriirkii ay la lahayd  Dowladda KMG ah u jartay, hase yeeshee maalin ka dib waxaa billaabmay in Madax ka tirsan Dowladda KMG ah ay siyaabo kala duwan uga hadashay go’aankii Puntland, waxaana ka mid ahaa madaxdii ka hadashay Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo horay u ahaa Guddoomiye K/xigeenkii Golaha Baarlamaanka kuna sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah C/Kariin Xasan Jaamac oo isna ku sugan magaalada Qaahira ee wadanka Masar.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inuu isagu u arko go’aanka Puntland ay kalsoonida ugala noqotay Xukuumadda Federaalka KMG ah ay tahay tallaabo lagu degdegay oo aanay ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara, wuxuuna shacabka Puntland ku ammaanay inay astaan u yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed, isla markaasina ay yihiin shacab taariikhda dalka ka galay baal dahab ah.

“Puntland midnimada Soomaaliya ayay astaan u ahayd, waxaana ugu baaqayaa inay dib u eegto caradeeda” ayuu yiri Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in haddii aad sacaaga caano ka weyso aan xanaaq loo gowracin, sidaasi darteedna waxa uu ku booriyay shacabka iyo xukuumada Puntland inaysan caroon bacdamaa dalka uu ku jiro marxalad adag.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah C/kariin Xasan Jaamac oo jawaab ka bixinayay go’aanka maamul goboleedka Puntland ee kalsoonida ugala noqday xiriirkii ay la lahaayeen Dowladda KMG ah, waxa uu sheegay Wasiirka in shacabka iyo maamulka Puntland ay weligood ahaayeen dad ku dhegan midnimada ummadda Soomaaliyeed, hase yeeshee waxa uu sheegay in caradaasi ay ka keentay Puntland xilliga kala guurka ee ay ku jirto siyaasadda dalka Soomaaliya.

Md. C/Kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in go’aanka Puntland uu yahay gorgortan siyaasadeed mudada xilliga kala guurka siyaasadeed lagu jiro, wuxuuna Wasiirku sheegay in duruufta maanta jirta ay muhiim tahay ilaalinta qaranimada Soomaaliya oo uu sheegay in qof meel aaday darteed aan halis loo gelin midnimada Qaranka.

Ugu danbeyntii Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah oo haatan ku sugan dalka Masar kana qeyb galaya shir halkaasi ka dhacaya ayaa sheegay  in aan habbooneyn in halis loo geliyo midnimada Qaranka in qof uu meel tago, sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in arrimaha Puntland loo baahan yahay wadahadal labada dhinac in lagu dhameeyo khilaafka, halka dhinaca kale uu sheegay in Dowladda KMG ah ay saami badan u qoondeysay mashruucyada ay ka hesho dalalka caalamka.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: