Isu duwaha QM ee gargaarka bani’aadamnimada dalka Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda Abaaraha ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Mr. Mark Bowden  oo ah Isu duwaha Qaramada Midoobay  ee kaalmada bani’aadaminimada dalka Soomaaliya ayaa uga waramayay Raadiyaha BBC-da xaaladda bani’aadaminimo ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ku nool inta badan gobolada dalka, hase yeeshee Mark Bowden waxa uu ka warbixiyay howlaha hay’adaha QM hoos taga ay ka wadaan dalka, gaar ahaan degaanada ay maamulaan ururka Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Isu duwaha kaalmada QM wuxuu sheegay in degaanada Xarakada Al-Shabaab ay maamusho ay ka socdaan howlaha nafaqeynta iyo daaweynta cudurada caruurta iyo Haweenka oo uu sheegay inay degaanada Shabaabka xukumaan ka wadaan hay’ado xiriir la leh kuwa QM, inkasta oo uu sheegay Mark Bowden in degaanadaasi ay ku sugan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira, kuwaasi oo aan helin haba yaraatee wax gargaar ah.

Mark Bowden oo hadalkiisa wato wuxuu yiri: “Al-Shabaab haddii aysan fahmin dhibaatada abaaraha waxaa imaan doona inay dadku ka qaxaan degaanada ay maamulaan” wuxuuna intaa uu raaciyey inuu ka cabsi qabo inay xaaladu ka sii darto haddii kooxda Al-Shabaab ay ku adkeysato cadaadiska iyo cuna qabateynta ay shacabka ku sameyneyso inay uga hor istaagto gargaarka ku socda.

Dhanka kale Isu Duwuhu waxa uu sheegay in qaar ka mid ah gobolada dalka ay howlo gargaar iyo kuwo caafimaad ay ka wadaan NGO-yo xiriir la leh hay’adaha QM iyo Laanqeyrta Cas, hase yeeshee waxa uu sheegay inay wadaan qorsheyaal ku saabsan sidii gurmad samata bixin loogu sameyn lahaa dadka ay abaaraha ku habsadeen.

Ugu danbeyntii Mr. Mark Bowden wuxuu sheegay ina jiraan daraasad ay wadaan Hay’adaha QM oo lagu sameynayo doorka qurba joogta Soomaalida ay ku leeyihiin gargaarka dadka ay abaaraha ku dhaceen, hase yeeshee wuxuu caddeeyey  in qurba joogta Soomaalida ka yimaada sanadkii dhaqaale gaarayo Hal Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah ee ay qurba joogta Soomaalida u soo diraan siyaabo kala duwan, inkastoo dhaqaalahaasi intiisa badan u soo dira eheladooda ku sugan dalka gudihiisa oo kharajka ay u soo diraaan ku nool.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: