Advertisements

Dagaal goordhow ka qarxay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa dagaal culus goordhow oo duhurkii ah uu ka qarxay magaalada Muqdisho, gaar ahan degmada Hodan, kaas oo u dhexeeya xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada KMG oo kaashanaya ciidamada AMISOM.

Sida warku nagu soo gaarayo dagaalka ayaa ah mid la isku adeegsanayo hubka waaweyn iyo Madaafiicda culus, kuwaas oo laga maqlayo guud ahaan magaalada Muqdisho, waxayna dadku la yaaban yihiin dhawaqa iyo daryanka madafiicda dhaceysa.

Sidoo kale goobaha la isaga horyimid dagaalka ayaa waxaa ka mid ah xaafada Taleex, Teribuunka, guryasha Shaqaalaha ilaa isgoyska degmada Hodan, wuxuuna dagaalku iminka ku socdaa si xowli ah.

Hase yeeshee ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxaya ee sheegaya inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, balse dhanka shacabka ilaa iyo hada laga war hayo 3 qofood oo dhaawacyo soo gaareen, kuwaasoo ku sugnaa xaafado ka mid ah halka dagaalku ka socdaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: