Advertisements

Qurba-joogta Soomaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Caalamka oo isu diyaarinaya gurmadka dadka abaarta ay ku habsatay.

Halkaan ka akhri

Qurba-joogtada Soomaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Caalamka ayaa isu diyaarinaya sidii ay ugu soo gurman lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee abaarahu saameeyeen taasoo si aad ah loo hadal hayey toddobaadyadan.

War aan ka helnay Shirka uga sacday dalka Norway Soomaalida ku dhaqan wadamada Iskandaneefiyaanka ayaa laga soo saaray go’aano deeq loogu aruurinayo dadka ay abaaru ku habsadeen ee gobolada dalka Soomaaliya.

Haweynay la yiraahdo Sahro Maxamed Cali Samatar oo ah Wasiiru-dowlaha xafiska R/wasaaraha ayaa faahfaahin ka bixisay  shir ka dhacay wadanka Norway  waxayna Warbaahinta u sheegtay in shirkaasi looga hadlay  arrimo ay  ka mid ahaayeen abaaraha dalka ka jira iyo amaanka.

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha xafiska R/wasaaraha ayaa waxay hadalkeeda ku dartay in qodobada shirka ka soo baxay ay ka mid ahaa in Qurba joogta ku dhaqan wadamada Yurub ay samayeen Sanduuq dhaqaale oo lagu gar gaarayo dadka ay wax yeelada ba’an ka soo gaartay abaaraha jiray labadii sano ee ugu dabeeyasay

Hase yeeshee go’aanadan  ka soo baxay shirka ka dhacay dalka Norway ayaa dhiiri galinaya in  Soomaalida ku dhaqan dalka dibadiisa in ay gurmad u sameeyaan dadka walaalahooda ah ee  abaaruhu la daala dhacaya.

SomaliSwiss   Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: