Advertisements

Qiimaha Hilibka Kaluunka lagu kala iibsado magaalada Muqdisho oo uu sicir barar ku yimid.

Halkaan ka akhri

Waxaa saro u kac xoogan ku yimid qiimaha lagu kala gato Kaluunka Suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho, arrintan ayaa ganacsatada Kaluunka ay u sababeeyeen in badda ay ka jira haatan dabaylo aad xoogan badan.

Inkastoo mudooyinkan danbe Suuqyada magaalada Muqdisho laga dareemayay hoos u dhac ku yimid qiimaha la kala siisto Kaluunka ayaa haatan waxaa laga dareemayaa qiimo koror ku yimid Kaluunka kadib markii dabaylo xoogan ay ka kaceen xeebaha Soomaaliya.

Mudane Bashiir Yuufus Bare oo ah Afhayeenka Kaluumaysatada gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in qiimo kororka ku yimid Kaluunka loo sababaynayo doonyaha aan tagin karin xeebo fog fog, wuxuuna tilmaamay in ay jiraan dabaylo xoogan oo sababi kari inay gadiyaan doonyaha lagu Kaluumaysto.

Sidoo kale Afhayeenka Kaluumaysatada gobolka Banaadir Bashiir Yuusuf Bare ayaa sheegay in doonyaha Kaluumaysiga ah ay ka jalaabtaan meelaha u dhow xeebaha wuxuuna sheegay inaysan dhaafin Ceelmacaan iyo xeebaha kale ee ku teetsan dekadda, wuxuuna inaasi ku daray in mararka qaar ay dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo iyagu ku sugan dekadda wayn ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale qaar ka mid ah Kaluumaysatada ka shaqaysa kawaan Xamar-weyne ayaa waxay sheegeen in ay adagtahay xiligaan in Kaluun farabadan laga soo helo badda, waxayna taasi ay ku micneeyeen inay jiraan dabeylo xoogan oo khatar galin karta naftooda, balse haatan ay xeebaha badda aan ka fogayn Dekadda wayn ee magaalada Muqdisho ilaa Ceelmacaan ay ka helaan kaluun aan sidaasi u badneen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: