Advertisements

Maamulka xarakada Al-Shabaab oo howlo burburin ah ka sameeyey dhismayaal si sharci daro ah looga dhistay wadooyinka magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

War saaka naga soo gaaray Magaalada Balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaybaha kala duwan Bulshada ku nool soo dhaweeyey burburin Maamulka Xarakada Al-shabaab ee magaaladaas ay ka bilaabeen goobaha ganaacsiga ah kadib markii dhismayaal sharci daro ah laga dhistay hareeraha wadooyinka.

Sidoo kale Bulshadu waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin burburinta dhismayaasha sharci darada ah ee ku yaala suuqayada iyo xaafadaha qaar, waxayna ugu baaqeen Maamulka Xarakada Alshabaab gobolka Hiiraan in ay laba laabaan howlgaladaasi oo wali ka socda xaafadaha iyo Suuqyada Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Saraakiisha iyo Masā€™uuliyiinta maamulka Xarakada Al-shabaab Gobolka Hiiraan oo howlgaladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan burburinta dhismayaasha sida sharci darada ah ee ku yaala hareeraha wadooyinkaasi.

Ma ahan markii ugu horaysay maamulada Xarakada Alshabaab ee Gobolada Soomaaliya ay howlgalo burburin ah ka fuliyaan deegaanada ay maamulaan.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: