Advertisements

Maamul goboleedka Puntland oo sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War shalay goor danbe ka soo baxay Xarunta maamulka dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in khilaaf xooga uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed, Madaxa Maamul Puntland Mr. Cabdiraxmaan Faroole oo maalmihii ugu dambeeyay dadaal xoogan ugu jiray Hayadaha Gargaarka & kuwa UN-ka ay si toos ah ula xiriir lahaayeen iyagoo aan soo marin Dowladda dhexe ee Muqdisho, halka Saraakiisha Dowladda ay ku wargeliyeen Saraakiisha Samafalka & Xafiisyada UN-ka in ay soo maraan Dowlada dhexe haddii ay dalka mahsaariic u qabanaaayaan.

Sidaas darteed waxaa Warbaahinta taageerta maamulka Faroole shalay gelinkii danbe laga sii daayay war la xiriira in xiriirkii wada shaqeyn ay u jareen Maamulka Muqdisho ee uu Horseedka ka yahay Madaxweyne Dowlada KMG ah Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Khilaafkaan ayaa salka ku haya ka qeyb galka shirarka Caalamiga ah iyo dhaqaalaha yar ee bixiyaan Hayadaha Q.Midoobe, kadib markii Saraakiisha Dowladda dhexe ay ku wargeliyeen Xafiiska UNPOS iney arrimaha dhaqaalaha ee Hea’adaha gargaarka marka hore fasax looga helo Dowladda dhexe, taasoo aad uga careysiisay Maamulka Faroole,

War ay soo saareen galabnimadii shalay Maamulka Puntland waxey ku sheegeen inay xiriirkii ugu jartay iyagoo intaasi raaciyay in saraakiisha UN-ka ay ku wargeliyeen in marka hore ay oggolaasho ka keenaan Dowlada dhexe.

Qodobada ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ahaa sidaan:-

  • In beesha Caalamka u Caddeeyeen inaysan u aqoonsan Dowladda Federaalka mid Wakiil ka ah Maamulka Puntland
  • Waxay ku dhawaaqeen in Dawladda Puntland aysan wax wada shaqayn la yeelanaynin Dawladda Federaalka inta laga helaayo Dowlad Federaal ah oo ay heshiis ku yihin dhamaan saamilayda Soomaalida
  • Waxay Cadeynayaan in Dowladda Federaalka aysan sinaba wakiil uga noqon karin Puntland ka qaybgalka Shirarka caalamiga
  • Waxay ugu baaqeen Xafiiska Qaramada Midoobay Siyaasada Soomaaliya (UNPOS) in dib uga fiirsato mowqiifkeeda iyo taageeradeeda ay ula garab taagantahay Dawladda Federaalka taas oo lid ku ah qaybaha kale ee Soomaalida sida Puntland.

Hase yeeshee Khilaafkaan ayaa muddo soo jiitamaayay kaasoo ugu dambeyntii keenay inuu qeylo dhaan ka keento in Puntland inay xiriirkii u jaro Dowlada Dhexe ee Muqdisho, waxeyna talaabadani u muuqataa ineysan wax weyn iska bedeli doonin bacdamaa aysan markii horeba uusan jirin xiriir wada shaqeyn oo u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Maamulka ddegaanka Puntland.

Si kasta ha ahaatee Madaxa Maamulka Puntland Mr. Faroole ayaa aad iskugu diyaariyay inuu ka qeyb galo Kulan Caalami ah oo maalinta ka furmaayo magaalada Jabuuti, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Dowlada KMG ah Sheikh Shariif oo hadda ku sugan magaalada Jabuuti uu ka hor istaagay in kulankaasi ay ka qeyb galaan Maamulada Soomaalida.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: