Advertisements

Xafiiska gargaarka ee QM oo sheegay in 15 Wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay loo qoondeeyay deeq dhan 84 Milyan Dollar.

Halkaan ka akhri

Madaxa Xafiiska gargaarka ee Qaramada Midoobay Mss. Veleria Amos ayaa sheegtay in 84milyan oo doollar loo qoondeeyay 15 Wadan oo ku kala yaala Caalamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya, uguna horreyso.

Haweynayda madaxda ka ah Xafiiska gargaarka  ayaa waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ay lacagtaas uga tala gasjay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen Gaajada, Nafaqa darrada, cudurrada iyo barakaca gudaha dalalkooda ah ee ku kala nool wadamo ka tirsan Caalamka.

Madaxa gargaarka Qaramada Midobay Mss. Veleria Amos ayaa laga soo xigtay in dalka Soomaaliya loogu tala galay 15 milyan oo lacagtaas ka mid ah, Ethiopia 11milyan, Kenya 8milyan, Chad 6Milyan halka dalal kale loo qoondeeyay lacagahaasi.

Sida ay sheegtay Mss. Amos in deeqda gaareysa 15 ka milyan ee loogu talo galay Soomaaliya loo qorsheeyay in gargaar lagu gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Gudaha dalka Soomaaliya. Waxayna caddeeysay in dad aad u badan ay soo wajahayaan Gaajo, Nafaqo darro, Barakac iyo colaado gaamurtay oo niyad jab ku keentay rajadii nabadda ee umadda Soomaaliyeed ay ka qabtay inay helaan.

Hase yeeshee Haweynaydan ayaa sheegtay in lacagaha kale loogu talo galay in lagu dardar geliyo howlaha gargaarka deg deg ah wadamada Burundi, Djabuuti, Kolompia, Falastiin, Zimbawe iyo Sirilanka.

Ugu danbeyntii Mss. Amos, waxay caddeeysay in Waddamada Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, Ururrada aan dowliga ahayn ee caalamiga ah iyo shaqsiyaadka deeqaha bixiya ayaa si mutadawacnimo ah ugu deeqay gargaarka la gaarsiinayo dadka ku tabaaloobay Gudaha Wadamadooda.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: