Taliyaha ciidamada lugta dowladda KMG oo ka warbixiyay dagaallo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmooyika Shibis & C/casiis.

Halkaan ka akhri

Taliyaha ciidamada lugta dowladda KMG Maxamed Maxamuud Saney ayaa ka warbixiyay dagaallo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay ka dhasheen weerar fariisimahooda ay ku soo qaadeen maleeshiyada Xarakada Al-Shabaab, halkaasi oo ka dhacay dagaal faraha looga gubtay una dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo kuwa ururka Al-Shabaab isla markaasina socday muddo saacad ka badan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Lugta ee dowladda oo ku sugan aagaga degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku siqeen goobo hor leh kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay halkaasi.

Hase yeeshee  Taliyaha ciidamada Lugta ee dowladda ayaa sheegay in maleeshiyaadkaXarakada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhigyada ciidamada dowladda, islamarkaana ay dib u riixeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

G/sare. Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah Taliyaha Ciidamada lugta ee aaga degmooyinkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dhufeysyo ka tirsan Degmooyinka Cabdicasiis iyo Shibis ay kula wareegeen dagaalkii ay la galeen maleeshiyaadka Shabaab, wuxuuna sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada dowladda, maadaama iyaga weerarka lagu soo qaaday.

Taliyuhu wuxuu  sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaadey ,  wuxuuna  sheegay in ay jab iyo Is aamin daro ka dhex  muuqato- sida uu yirimaleeshiyaadka Al shabaab.

Si kasta ha ahaatee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay joogtaynayso musharaadka ciidamada taasoo sare u qaadaysa niyada ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: