Advertisements

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo dardar gelisay gurmad biyo dhaamin ah oo ay ka bilowday bariga magaalada Jowhar.

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss  ee Gobolka SH/Dhexe ayaa  sheegaya in Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa markii u horeysay bilowday gurmadka dadka abaaraha ku dhufteen ee degan qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana la sheegay in ay dardar gelisay howlaha biyo dhaaminta ah ee  ka sameynayso deegaano ka tirsan Bariga magaalada Jowhar, halkaasoo biyo la’aan daran ay ka jirto.

Biyo dhaaminta ayaa shalay Shirkadu ka sameysay deegaanka Biyo Cade oo qiyaastii 45Km dhinaca bari ka xigta Magaalada Jowhar, halkaasoo dadka iyo duunyada ku dhaqan ay saameeyeen biyo la’aanta iyo abaaraha adag ee xilligan ka jira dalka.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Qeybteeda Magaalada Jowhar  ayaa waxay Gaari Booyad ah ay gaarsiiyeen dadka reer Miiyiga ah oo ku soo barakacay deegaanka Biya-Cadde,  waxaana  halkaas biyo loogu dhaamiyay boqolaal qoysas oo dhibaato xaga biyo la’aanta heysatay.

Sidoo kale Boqolaal qof oo ka kala yimid tuulooyinka ku hareersan  deegaanka Biya-Cade ayaa ka faa’ideystay biyo dhaamintan, iyadoo dadku aad ugu farxeen gurmadka loo sameeyay ee biyo siinta, kadib markii deegaanka in muddo ah ka jireen biyo la’aan.

Hase yeeshee Mashruucan biyo dhaaminta ah ee ay sameynayso Sharkadda  Hormuud ayaa waxaa soo dhoweeyay dadka ku nool deegaanada Bari iyo galbeed ee magaalada Jowhar, kuwaasoo mudooyinkii u dambeeyay ay  saameysay biyo la’aan baahsan oo dadka iyo duunyada ay wada saameeyeen

Maamulaha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee Magaalada Jowhar Axmed Barow  ayaa sheegay in biyo dhaamintan ay qeyb ka tahay howlaha ballaaran ee Shirkada ugu gurmaneyso dadka abaaraha ku dhifteen ee ku nool qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo xusay inay sii wadayaan howlahan biyo dhaaminta.

sidoo kale  Axmed Barow  wuxuu sheegay in dhowaan ay biyo dhaamin ka sameyn doonaan deegaano kale, si dadka biyo la’aanta ah ay u gaarsiiyaan biyo, oo qeyb ka ah nolosha bani’aadamka, isagoo intaa ku daray in biyaha ay yihiin sheyga ugu muhiimsan ee nolosha Aadanaha iyo guud ahaan nafleydu.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka mid ah goobaha ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira, waxaana maalinba maalinta ka danbeysa  isa soo taraya qeyla-dhaanta bulshada ka imaaneysa ee ku aadan abaaraha.

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in deegaanada Ruunirgood iyo Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay jiraan xoolo fara badan oo ugu geeriyoodeen haraad ba’an, isla markaana xoolihii noqdeen kuwo u baqtinaya abaaraha iyo macluusha xilligan jirta.

Si kasta ha ahaatee Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa haatan wada howlo ballaaran oo ay ugu gurmaneyso dadka abaaraha ku saameeyeen Gobolada dalka, iyadoo dhowaan deeq lacageed gaarsiisay dadka ku dhibaateysan degmooyinka Gobolka Banaadir ee Caasimada Muqdisho.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: