Advertisements

Amanda Lindhout oo billowday howl samafal ah oo ay ku caawinayso haweenka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Amanda Lindhout, oo Suxufiyad u dhalatay dalka Kanada in muddoahna loogu haystay afduub ahaan dalka Soomaaliya, ayaa  shalay Sabtidii ahayd ka billowday howl samafal ah oo ay ku caawinayso haweenka Soomaaliyeed, iyadoo billowday in sheekooyin ku saabsan afduubkeeda ay ka jeediso jaamacadda Carleton ee dalka Kanada.

Sidoo kale Lindhout, ayaa la afduubay iyadoo Soomaaliya u joogtay, inay filimo ka soo qaaddo dadka ku dhibaateysn duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho 23-kii Ogoosto 2008. Waxaana afduub ahaa loo haystay 15-bilood, iyadoo sheegtay markii la daayay in loo geysan jiray jirdil aad u daran.

Sida la wada ogsoon yahay Amanda Lindhout ayaa  lala afduubay filim qaade u dhashay dalka Australia,waxayna  sheegtay inaysan iloobayn Soomaaliya, inkastoo afduub iyo dhibaatooyinka badan oo kale loo geystay, waxayna  xustay in afduubayaashii haystay ay iyagana u garaabayso.

Hase yeeshee Amanda Lindhout ayaa la sheegay in tan iyo markii ay dib ugu laabatay dalkeeda, waxay haatan  bilowday inay ururiso dhaqaale ay ku maalgelinayso waxbarashada 400 haween Soomaaliyeed ah oo jooga Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay  inuu suura geli wayday inay waxbartaan ama  ay dhameystirtaan waxbarashadooda.

Sida ay sheegtay Mashruuceeda, ayay ugu talogalay inay sannadka hore waxbarasho jaamacadeed uga bixiso 11 haween Soomaaliyeed ah, Lindhout oo hadalkeeda sii wadato waxay tiri “Waxaan u furaynaa haweenka albaab, si riyooyinkooda ay u suurogasho,” waxayna sii raacisay  ee ay tiri: “Waxaa arrintan igu dhaqaajiyay, marka aan maqlo howlaha ay qabtaan iyo sida ay qoysaskooda u saacidaan.”

Si kasta ha ahaatee Lindhout, ayaa rajeysay inay dhaqaale ku filan ay hesho waxbarasho 100 haween ah afarta sano ee soo socda, balse waxay  xustay in howsha ay ku caawinayso haweenka Soomaaliyeed aysan weligeed ka fariisanayn.

SomaliSwiss Carleton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: