Advertisements

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ku hanjabay in xarakada Al-Shabaab ay dibada uga saari doonaan Soomaaliya.


Halkaan ka akhri

Warar is daba joog ah ayaa waxay wakaaladaha wararka Caalamida ah warar  ka soo dirayaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo haatan ku sugan wadanka Maraykanka isalmarkanaa kulamo kala duwan laqaadanayay madax ka tirsan Jimaciyadda qurumaha ka dhaxaysa ayaa sheegay in si deg deg ah ciidama qalabka sida meesha ay ugu saari doonaan Al Shabaab.

Sidoo kale Max’ed C/laaahi Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in wali Xukuumadda ay ku taagan tahay ballantii ahayd boqolka maalin oo ay qabsatay, wuxuuna tilmaamay inaysan dib ugu laaban doonin, balse wuxuu ku nuux nuuxsday in si deg deg ah ay Muqdisho iyo gobolada intooda kale ay ka saraarayaan dagaalyahanada kasoo horjeeda ee Al Shabaab.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay haatan haystaan dhibaatoyin adag iyo marxalado dhinaca daruufaha oo ay u sii weliyaan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi  ayaa ugu baaqay Caalamka inay si deg deg ah wax ula soo gaaraan gargaaraan dadka abaaraha dartood ugu dhimanaya haraadka iyo gaajada, wuxuuna  carabka ku dhuftay in Hay’adaha gar gaarka iyo beesha Caalamka looga baahan yahay in arrintaasi si dhaqsi leh ay wax ugu qabtaan ugana jawaabaan.

Hase yeeshee hadalka Ra’iisul-wasaare Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii la soo dhaafay kulamo kala duwan uu dalka Maraykanka kula qaadanayay Madaxda sar sare iyo Diblumaasiyiin heer caalami ah iyadoo shalayna ka hadlay shirka Qaramada Midoobay, taasi oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arimaaha dhinaca amaanka ee wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: