Advertisements

Maxkamadad ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya oo maanta dil toogasha ah ku fulisay Saddex gacan ku dhiigle.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Barxadda Dugsi Tababarka Ciidanka Boliiska( Scuola Polizia) ay Maxkamadad Ciidamada qalabka sida ee Dowladad Federaalka KMG-ka Soomaaliya ku soo bandhigtay Xukun dil ah oo lagu fuliyay saddex Gacan ku dhiigle ahaa oo ay horay Maxkamaddu ugu Xukuntay dil Toogasho ah.

Sidaas darteed waxaa maanta Barxadda weyn ee ka soo horjeedda Dugsiga tabobarka Ciidamada Boliiska lagu toogtay sadex nin oo gacan ku dhiigleyaal ah oo si bareer ah xilliyo kala duwan gacantooda ugu dilay sadex Muwaadin oo Soomaali ah.

Fulinta dilka sadexdaasi qof waxaa gobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid ahaa xoghayaha Guud ee maamgulka gobolka C/kaafi Hilowle Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadad Ciidamaad qalabka sida Xasan Muungaab, Taliyaha qeybta Guud ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Generaal Axmed Xasan Maalin iyo dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo u soo Daawasho tagay.

Sadexda gacan ku dhiigle ee ay Maxkamaddu dilka ku fulisay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

1.C/casiis Maxamuud Gacal oo ahaa Dable ka tirsan Ciidamada booliska kaas oo 2/06/2010-ka si bareer ah u dilay Muwaadin lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cabdi , waxaana ay Maxkamaddu xukun dil ah ku xukuntay 14/12/10-ka.

2.Cantoob Carabow Cadaan oo 5/06/2009-kii si gardarro ah u dilay Xasan Maxamuud jibriil,iyadoo Maxakamaddu ay xukuntay 18/12/2009-kii.

3.Mowliid Maxamed Xasan oo aha Dable ka tirsan ciidamada booliska waxa uu 11/05/10 si barer ah u toogtay Muwaadin lagu magacaabI Jiray Aaden Saalax jaamac waxa ayna Maxkamaddu xukuntay 14/12/10-kii.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Xasan Muungaab ayaa Warbaahinta u sheegay in aan cidna lagu gardarooneynin, islamarkaasna aan cidna loo ogolaan doonin in iyadoo dishay qof kale ay si nabad ah ugu dhex noolaato qeybaha kale ee bulshada.

Hase yeeshee Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay Ciidamada qalabka sida inay hubka ka jeediyaan shacbiga, balse ay waajib tahay in taas bedelkeeda ay ku jeediyaan cadowga Umadda sida Al-shabab iyo Ajaaniibta dambiileyaasha ah ee ku soo duulay gudaha dalka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: