Advertisements

Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta kullan kula yeeshay xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa kullan looga hadlayay amaanka la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Golayaasha Wasiirada Xukuumada KMG ee soomaaliya.

Madaxweynaha Saraakiisha iyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya waxay ka wada hadleen sida ugu haboon Ciidamada Qalabka sida guulo uga keeni karaan dagaalo u qorsheysan dowladda KMG ee Soomaaliya Caasimada Magaalada Muqdisho kula gasho Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale Sheikh shariif Sheikh Axmed, Golaha Wasiirada xukuumada KMG iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida waxay isla meel dhigeen suuragalnimada dib u soo celinta Degmooyinka ka maqan dowladda KMG ee soomaaliya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo ka mid ah dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Dhanka kale warar hoose oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiil iyo Janan ka tirsan ciidamda dowladda KMG Soomaaaliya oo maalmo ka hor soo gaaray Soomaliiya ayaa shalay galinkii danbe waxaa ay kulan saacado qaatay ay la yeesheen Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahana wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Mas’uulyiin kale oo ka mid ah dowlada KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horaysay Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif kullan amaanka iyo dib u soo celinta Degmooyinka Muqdisho la yeesho Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida dowladda KMG ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Galaha Wasiirada Xukuumada ra’iisul Wasaare Farmaajo, balse lama saadaalin karo is badalka kullankan uu u keeni karo xaaladda ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: