Advertisements

Beelaha Reer Banaadiriga oo qayla dhaan wejiyo kala duwn leh kusoo bandhigay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Beelaha Reer  Banaadiriga ah ayaa waxay shalay Banaanbax ka dhigeen Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya, sidoo kale Bannaanbaxa ayaa laba wiji oo ay uga qeyla dhaamiyeen arrimo fara badan waxaana ka mid ah:

1 – In la joojiyo dagaalada si loo gargaaro dadka Abaaraha ku dhufteen

2 – In la jooyiyo Heshiisyada dowladda KMG la gashay shirkado dhowr ah oo Ajaanib calooshood u shaqeystayaal ah.

2 – In Xuquuqda Siyaasadeed ee ay ku dhex leeyihiin bulshadaSoomaaliyeed gudaheeda la siiyo.

Ugu horreyntii  dadkii ka soo qayb galay dibadbaxan oo isugu jiray Haween, Caruur, Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga ah ayaa waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Dowladda KMG iyo Xarada Alshabaab in ay dagaalada joojiyaan una gar gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen intii dadka yar ee ka haray dagaalada dhexdooda ku sii dhammaan lahaayeen.

Sidoo kale Reer Banaadirigu  waxay dowladda KMG ee soomaaliya ugu baaqeen in ay si deg deg ah dalka uga saarto Hay’adaha kala ah SKA iyo Saracen Internatonal oo dhanka Amaanka iyo Tababarka ciidamada qaabilsan, waxayna sheegeen dadkii dibad baxa dhigayay in aysan waxba ku soo kordhin karin xaalada Soomaaliya Hay’adahaasi.

Dhanka kale Shariif Mashoor oo ka mid ah Mas’uuliyiinta beelaha Reer Banaadiriga ah ee soo qaban qaabiyay dibad baxaasi ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba soo kordhinayn hishiiska lalagalay shirkadaasi, isagoo ku baaqay in si deg deg ah ay uga baxaan wadanka Soomaaliya shirkadadha SKA iyo Saracen International, wuxuuna intaasi raaciyey sii socoshada dagaalada Muqdisho dhibaatooyinka sii kordhinayaan dagaalada badalkeeduna dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab u gar garaan dadka ay abaaraha ku dhufteen Gobolada Dalka Soomaaliya.

Bulshada Reer Banaadiri ayaa waxay sheegeen in Siyaasadda talada dalka laga tixgelin, gaar ahaan Talada G/Banaadir.

Hase yeeshee aa ahan markii ugu horaysay banaanbax soo abaabulaan beelaha banaadiriga ee gobolka Baanadir kuna baaqeen in la joojiyo dagaalada loona gar gaaro dadka ay abaaraha ku dhufteen,balse waa markii ugu horaysay banaan bax looga horjeedo shirkadaha SKA, Saracen International iyo Shirkado kale oo dowladda KMG ay hishiisyo la gashay ay ka dhigaan Caasimada Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: