Advertisements

Augustine Mahiga oo ugu warbixiyey golaha amaanka ee QM xaaladda dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga oo ka warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka siiyay golaha amaanka ee QM, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay inay taageero Dhaqaale iyo Militeriba ugu deeqto ciidamada Midawga Africa ka socda AMISOM ee jooga Soomaaliya, si ay dawladda ugu gacan siiyaan sugida amniga dalka.

Mr. Augustine Mahiga wuxuu sheegay in ciidamada nabad illaalinta midawga Africa ee AMISOM ay door muhiim ah ka qaataan hawlaha dawlada KMGS waxaana uu sheegay inay dfawlada ku taageeraan dagaalada ay kula jirto dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.

Amb. Augustine Mahiga oo ka hadlay kulanka gaarka ah ee arrimaha Somalia ka yeelanayaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee haatan ka socda New York, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo ciidamada AMISOM lana siiyo agabka Ciidamadeed ee ay u baahan yihiin, taasi waxay keeneysaa in dawladu xoog yeelato waxaana loo baahan yahay in la meel mariyo go’aankii ahaa in ciidamadaasi laga dhigo 12,000 askari.

Sidoo kale Mahiga wuxuu sheegay in fulinta arrintaas looga fadhiyo in QM ay dhaqsi uga dhabeyso wax ka qabaka xaaladda dalka Soomaaliya, wauxuuna intaa ku daray in xafiiskiisa uu si weyn ula socda hawlaha iyo dhaq dhaqaaqyada ay ciidamada AMISOM ka wadan magaalada Muqdisho.

Mr.  Augustine Mahiga waxa uu sheegay in ciidamada Midawga Africa ay guulo ka hooyeen dagaaladii ugu dambeeyay ay mucaaradka la galeen oo ay la wareegeen degmooyin mucaaradku ku sugnaa oo Muqdisho ku yaala waxaana uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in DFKMGS lagu gacan siiyo tababarida ciidamada xooga iyo kuwa amaanka si ay hubiyaan amniga dalka oo dhan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: