Abuu Mansoor oo culimadii Al-Itixaad u sheegay in ay kaleexdeen wadadii ay tuseen Al-Shabaab.

HOOS KA DHEGAYSO QUDBADA

Halkaan ka akhri

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansoor ayaa ku eedeeyay culimaa’udiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii Al-Itixaad ee inta badan dhallinyarada xarakada Al-Shabaab hogaamisa wax kasoo barteen, inay u uga baxeen ballantii fulinta wixii lasoo baray.

Isagoo ka jawaabayay khudbado iyo hadallo tiro badan oo ay siyaabo kala duwan adduunka dacalladiisa uga jeediyeen, inta badan culimadii Al-itixaad, isla markaasna iska fogeeyay inay iyagu bareen dhallinyarada Al-Shabaab waxyaabaha foosha xun ee ay  samaynayaan, sida gaalaysiinta iyo xalaalaysiga dhiigga Muslimiinta Soomaaliyeed ayaa mar uu ujawaabay dhowaan waxa uu sheegay inay fulinayaan oo kaliya wixii wadaadadaasi soo bareen, wuxuuna is waydiiyay in shiikhyadaas shalay saxsanaayeen iyo inay maanta sax san yihiin, isagoo dalbaday inay dhex yimaadaan Xarakada ee u sheegaan haddii ay xaq darro wadaan Al-Shabaab.

Abuu Mansoor oo ka hadlayay gaalaysiinta iyo in dadka diinta laga saaro ayaa yiri “iyadoo aysan AMISOM joogin, oo aan Itoobiya Joogin oo aan Mareykan joogin, inay culimadaas fatwoodeen oo xalaaleeyeen, in dhiigga Muuse Suudi, Qanyare, Caato iyo hogaamiye kooxeedyo kale uu banaan yahay in la daadiyo oo ay diintu qabto” wuxuuna is waydiiyay haddii ay shalay Somali dhiigeed baneeyeen aayadaha iyo axaadiista maanta diidaya inay dagaalkaas wadaan iyagoo Amisom iyo dadkii ay wadaadadu gaaleeyeen ay joogaan.

Halkaan ka dhegayso khudbadiisa

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: