Advertisements

Ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee AP.


Halkaan ka akhri

Ra’iisul-wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), shalay gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa wuxuu wareysi xalay uu siiyay wakaaladda wararka Mareykanka ee AP, wuxuuna  sheegay in ciidammada dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku weerari doonaan goobaha ay maamusho Xarrakada Al-Shabaab.

Mudane Formajo yaa sheegay  in Ciidammada dowladda ay tiradoodu tahay 8,00 askari, waxayna sida ugu dhaqsiyaha badan bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah oo ay la galaan Xarrakada Al-Shabaab, si ay dib ugu soo celinayaan ammaanka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Farmaajo wuxuu beesha caalamka iyo Mareykanka ka codsaday inay kordhiyaan gargaarka ay siiyaan DKMG Soomaaliya, si dowladdu ay ugu suurogasho inay dib u soo celiso ammaanka dalka, ayna ka hortagto in argagaxisadu ay ka dhigato Soomaaliya saldhig ay ka duulaan.

Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda uu madaxda u yahay ay dib u habeyn ku sameysay ciidammada, ayna siiyeen mushaaraadkooda. Tiradooduna ay haatan tahay 8,000-askari, ayna qorshayaan in 1,000-askari oo kale ay u diraan Uganda, si loosoo tababaro.

Mudane Farmaajo wuxxu  wareysigiisa ku sheegay ee uu yiri: “Maalmihii ugu dambeeyay, niyadda ciidanku way sarreysay, waxaana rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan au u wajihi doonaan cadowgooda, si dhaqso badan – si dhaqso badan – si dhaqso badan,” wuxuu xusay in haddii aysan dowladdiisu helin taageero dhaqaale oo caalam ah, aysan shaqeyn karin.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu  kaloo uu  Caddeeyey in deeqda caalamka ay soo marto Qarammada Midoobay, dowladdiisuna ay ka hesho dekedda iyo garoonka 1-Milyan oo Dollar bishiiba, sidoo kale waxaan soo dhaweynaynaa deeqaha nala siiyo,  balse beesha calaamka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka − waxaan ka codsanaynaa inay sare u qaadaan gargaarka ay siiyaan Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaruhu, wuxuu  sheegay in argagaxisada caalamiga ah, waa sida uu hadalka u yiriye, ay leeyihiin xiriir ay dhaqaale isku siiyaan, ayna Soomaaliya u diraan dagaalyahanno shisheeye ah.

Mudane Farmaajo, wuxuu sheegay in tirakoob la sameeyay lagu ogaaday in 80% shacabka Muqdisho ku nool ay taageersan yihiin dowladda, halka uu sheegay in 7% shacabku ay taageersan yihiin Al-shabaab, ayna dhawaan u soo goosteen dhinaca dowladda 40-dagaalyahan oo ka tisranaa Xarrakatul Shabaab.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku sheegay wareysigii uu siiyay wakaaladda wararka ee AP, wuxuuna yiri: “Dadka qaarkood, waxay leeyihiin marka ay dowladdu weerarro ku qaado Xarrakada Al-Shabaab, waxaa kasoo goosanaya tiro dagaalyahanno ah oo intaas ka badan”.

Ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi asagoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dowladdu, waxay dagaal ka doorbidaysaa wadahadal iyo dib u heshiisiin, waxaana helnaa taleefoonno badan oo rag dhexdhexaadiyeyaal ah ay soo diraan, balse haddii Al-shabaab ay dagaallada sii waddo, waxaan adeegsan doonnaa awood,”.

Hase yeeshee Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Afgaanistaan ay ka jiraan dowlado aan awood badan lahayn, isagoo yiri: “Haddii ciidammada NATO ay Al-Qaacida kaga adkaadaan Afgaanistaan, waxay u soo cararayaan Soomaaliya, maxaa yeelay waa goobta keliya oo ay awoodi karaan inay dib isugu habeeyaan, waayo kama jirto dowlad dhexe oo awood leh.”

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda KMG Soomaaliya, waxaa xilligeedii shaqo uu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan 2011, iyadoo ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sheegay in dhaqaalaha ay dowladdu hesho ee 1-Milyan ee Dollar ah uusan u dhigmin dhibaatada ay la tacaalayso.

Si kasta ha ahaatee  Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya, wuxuu ku boorriyay Mareykanka iyo beesha Caalamka inay Soomaaliya ku taageeraan dhaqaale, saanad ciidan iyo fikir siyaasadeed, oo la mid ah kuwa lagu taageero dalka Afgaanistaan, maadaama labada dal ay xalaadahoodu isku mid tahay.

SomaliSwiss   AP New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: