Advertisements

Maxkamadda maamulka gobolka Hargeysa oo xukun ku riday nin Jarmal ah oo lagu soo eedeeyey falal dhaqan-xumo ah.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Hargeysa ee is maamulka  Somaliland ayaa sheegaya in Maxkamadda magaalda Hargeysa ay maanta xukun ku ridday Nin u dhashay dalka Jarmalka iyo gabadh Soomaaliyad ah oo lagu soo eedeeyey falal la xiriira anshax-xumo oo ka dhan ah Diinta Islaamka ah.

Sida lagu soo warramay xukunkan ayaa la sheegay inuu  maanta ka dhacay Xarunta Xabsiga wayn ee Mandheera ee Gobolka Saaxil,sidaas darteed waxaa  lagu xukumay eedeysane Gunter Pischof Albert oo u dhashay dalka Jarmalka oo la sheegay inay ku caddaatay in uu ku kacay falal anshax-darro ah iyo baahinta sawirro qaawan oo ka hor-imanaya shareecada Islaamka iyo dhaqanka Suubban.

Sidoo kale Garsoore Cabdirashiid Maxamed Durraan oo ahaa garsooraha dacwaddan qaadayay, ayaa maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay xukunka lagu riday ninka, waxaanu sheegay in ka dib markii ay Maxkamaddu aragtay caddaymo tiro badan iyo markhaatiyo ay go’aansatay in Mr. Guntar Bischoss lagu xukumo 4 sanno oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Dollar-ka Maraykanka ah.

Dhanka kale, intii lagu gudo-jiray dhegaysiga dacwaddan waxa uu Garsooruhu halkaa kaga dhawaaqay in gabadh Soomaali ah oo iyana ku eedaysnayd falalka ka dhanka ah Shareecadu, lagu xukumay hal sanno oo xarig ah iyo 5-Milyan oo Somaliland Shilin ah ($800).

Hase yeeshee dacwaddan oo muddooyinkan ka socotay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, isla markaana laba jeer oo hore lagu dhegaystay Xabsiga mandheera oo ay ku xidhnaayeen eedaysanayaashu, ayaa ka dambaysa ka dib markii ay sanadkii hore dabayaaqadiisii Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen ninka Jarmalka u dhashay oo in muddo ah deganaa Somaliland, isla markaana hore u sheegtay in uu Muslim yahay, balse markii dambe qirtay in uu haysto diinta Kiristanka.

SomaliSwiss   Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: