Advertisements

Howlgal ay sameeyeen Boliiska Switzerland oo lagu soo qabqabtay dad u dhashay Libaaxyada Tamilka ee Srilanka.

Halkaan ka akhri

BERNA – Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Boliiska Kantoonada dalkan Switzerland ayaa lagu soo qabqabtay dad gaarayaa ilaa 10 qof oo u dhashay Libaaxyada Tamilka “Tigri tamil” ee dalka Srilanka, waxaana loo taxaabay Xabsiga.

Ujeedada ka danbeysay howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu la xiriiray in muddo ahba ay Boliiska Swissku daba joogeen Koox la sheegay inay gacan saar la leeyihiin  Jabhadda”Tigri tamil” xubina ka ahaayeen, waxaana lagu soo eedeeyey inay uruurinayeen lacago sharci darro ah iyo iyagoo gacmaha kula jiray howlo Kriminal ah.

Sida ay sheegeen Boliiska dadkan oo lagu soo eedeyey falal denbiyeedkaas ayaa  laga soo qabqabtay Kantoonada :  Grigioni, Zurigo, San Gallo, Lucerna, Soletta, Berna, Friborgo, Vaud, Ginevra iyo magaalada Basel, sidaas waxaa caddeeyey Xeer ilaaliyaha guud ee Konfederaalka Swisska.

SomaliSwiss Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: