Advertisements

Hargabka Xilliga Qaboobaha oo wada saameeyey guud ahaan gobollada dalka Switzerland.

Halkaan ka akhri

BERNA – Hargabka Xilliga Qaboobaha ayaa la sheegay inuu wada saameeyey guud ahaan kantoonada dalka Switzerland, hase yeeshee dadka badankooda ayaa qaaday virus-ka lagu magacaabo A(H1N1), sidaas waxaa shalay shaaca ka qaaday Xafiiska dowladda Federaalka Swisska  ugu qaabilsan Caafimaadka, waxaana lagu soo qoray Shabakada Internet-ka ee Wasaaradda Caafimaadka.

Cudurka Hargabkan ayaa ku faafay dhammaan dalka Switzerland , gaar ahaan Kantoonada Grigioni, Ginevra, Neuchâtel, Vaud iyo Vallese, waxaana la sheegay in Hargabkan uu saameeyey dhallinyarada dàdoodu u dhexeyso  15 e ilaa 29 Sano, hase yeeshee dadka dàdooda kor u dhaaafay 60 Sano ayaa Saameynta Hargabkaas aad u hooseeya.

Dhakhaatiirta Isbitaalada ayaa sheegay in  labadii toddobaad ugu horreyey 1000kii qof  laga helay 33 qof oo qaaday virus-ka A(H1N1), sidoo kale Dhakhaatiirta ayaa sheegtay in Sanadaha 2009/2010 la tallaalay Hargabka Doonfaarka dad aad u tiro badan .

Dhanka kale Xafiiska Caafimaadka dowladda Federaalka Swisska ayaa bulshada kula talisay inay is tallaalaan, gaar ahaan dadka waaweyn, haweenka Uurka lixda biloodka ah iyo dadka qaba Cudurrada halista ah.

SomaliSwiss Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: