Advertisements

Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo Kulankooda Maanta ku dhageystay warbixinno kala duwan.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Kulan caadi ah isugu yimid Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya, kaasoo lagu qabtay xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaliya Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden, waxaana soo xaadireen kulankaas Xildhibanano ay tiradoodu gaareyso illaa iyo 288 Mudane oo ka tirsan Xubanaha golaha Baarlamanka Soomalaiya.

Ujeedada Kulanka Xildhibananada Baarlamanka ayaa waxa loogu gun lahaa in warbixinno kala duwan ay uga dhageystaan wafdigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dhowaan booqasho ku tagay wadanka Iiraan, Xildhibaanno ka soo qeyb galay shirar caalami ah oo ka kala dhacay Wadamada Masar iyo Naajeeriya iyo sidoo kale guddigii xallinta khilaafaadka beelo  wada dega deegaanno ka tirsan  Gobolka Mudug.

Waxaa ugu horreyntii   warbixin looga dhageystay kulanka Baarlamaanka Xildhibaan Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo xubin ka ahaa wafdigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha baarlamanka kaas oo booqasho rasmi ah ku aadaay dalka Iiraan, isagoo faahfaahin ka bixiyay in si wanaagsan loogu soo dhoweeyay dalkaasi, waxa uuna tilmaamay in mudadii ay halkaasi joogeen ay kulamo kala duwan la qaateen madaxda ugu sarreysa dalkaasi islamarkaasna ay ballaan qaadeen inay taageero dhinac walbo ah siinayaan dowladda Soomalaiya oo ay aaminsan yihiin in dagaallada ka socda Soomalaiya ay yihiin kuwo aan wax lug ah ku laheyn Diinta Islamaka.

Hase yeeshee waxaa warbixin laga dhageystay Xildhibaan  Carab Cali Diiriye oo kamid ah Xildhibaanno Baarlamaanka Soomalaiya ugu jira baarlamaanka Carbta, kuwas oo ka soo qeyb galay shir ay baarlamnka Carabtu ku yeesheen magaalada Qaahira iyo shir kale oo ay  soo qabanqaabiyeen baarlamankaasi iyo weliba hayadda UNDP waxa uuna tilmaamay in qodobbo muhiim ay ka soo baxeen gebogebadii kulkankaasi oo ay ballaan qaadeen in la taageero Xukuumadda iyo hay’adaha dowladda iyo in la bixiyo lacagihii ay madaxda Carbeed u ballaan qaadeen Soomalaiya.

Sidoo kale ahaa Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ah Ku xigeenka guddoomiyaha Guddiga dalalka Bari ee Baarlamaanka Afrika kaasoo faahfaahin ka bixiyay Kulankii uu kaga soo qeyb galay magaalada Abuuja ee dalka Nigeria, wuxuuna sheegay  in Baarlamaanka Soomaaliya hadiyado la guddoonsiiyay.

Dhanka kale gebagebadii waxaa kunka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka KMG Soomaaliya shariif Xasan Sh. Aaden oo xildhibaannada ku sugan gudaha iyo dibadda dalka ka codsaday inay ka soo qeyb galaan fadhiyada Baarlamaanka si wax looga qabto xaaladda dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: