Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo u diiday Hay’adaha Samafalka in ay gargaar gaarsiiyaan dadka Abaaraha ay ku dhufteen.

Halkaan ka akhri

Warar aan lagu farxaynin ayaa ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab, kaasoo ah in Al-Shabaab ay si cad u  diiday in Hay’adaha gar gaarka ay u fasaxaan sidii ay howlo samafal u gaarsiiyaan gobolada ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan xili goboladaasi ay ka jiraan abaaro ba‘an.

Sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidamda Xarakada A Shabaab oo lagu Sheikh Suladaan Max’ed ayaa la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Hay’adaha samafalka aysan marnaba u fasixi doonin in ay ka howlgalaan gobolada Al Shabaab ay gacanta ku hayaan. Isagoo ku eedeeyay Hay’adahaasi in wadanka soo galinayaan diinta Kirishtanka.

Sidoo kale Sheikhan ayaa wuxuu tilmaamay in Hay’adahasi ay yihiin kuwa kala qaybinay dadka Islaamka, wuxuuna sheegay Hay’adahaasi in caqliga ay kala dagaalamayaan dadka Islaamka sida uu Hadalka u dhigay.

Sheikh Suladaan Max’ed ayaa wuxuu caddeeyey in Hay’adaha Samafalka ay doonayaan in ay kordhiyaan meelaha muqaadaraadka lagu iibiyo, wuxuuna raaciyey in Hay’adahasi ay doonayaan inay isku diraan Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay la dagaalamaan dhaqaalaha Soomaaliya sida uu tilmaamay.

Si kasta ha ahaatee waxaa qaar ka mid ah  goboalada dalka Soomaaliya ee ay ka taliyaan Al Shabaab ayaa waxaa haatan ka soo yeeraysa qaylo dhaan xoog leh oo  ah in dadka ay abaaruhu ku dhifteen, dhanka kale iyadoo Xarakada Al-Shabaab ay ku adkeyso gò’aankeeda diidmada ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: