Advertisements

Maxkamada ciidamada Puntland oo Xukuno kala duwan ku riday saraakiil iyo Dabley ka tirsan ciidamada Puntland.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland xukun ku riday qaar ka mid ah ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Puntland kadib markii saraakiisha iyo ciidamadaasi lagu eedeeyey, islamarkaasna lagu helay dambiyo kala duwan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xukunadan kala duwan ee lagu fuliyay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland oo isugu jiraan dil iyo xarig ayaa maxkamadu si toos ah u shaacisay Maanta.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Dhame C/kariin Xasan oo u waramayay Warbaahinta Gobolkaas ayaa sheegay in saraakiishan loo cuskaday xukunka xeerka ciqaabta Ciidamada.

Sidoo kale Saraakiishan xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala soo eedeeyey falal ay ka mid yihiin dil, dhaawac iyo amar diido, waxaana saraakiisha la xakumay ay magacyadooda iyo Xukunkoodu kala yihiin sidaan hoos ku qoran.

1-Bashiir Max’ed Faarax oo 7-dii bishaan 3 askari ku toogtay Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso ayaa lagu xakumay dil toogasho ah.

2- Cabdi Wali Ciise Sheekh oo ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa maxkamada Ciidamada qalabka sida waxa ay ku xakuntay labo sano oo xarig ah kadib markii uu lunsaday qorigii dowladu ay ku aamintay.

3- Cawil Xasan iyo Max’ed Muuse oo laduba ahaa taliyihii ciidamada Puntland ee saldhiga Galgala iyo ku xigeenkiisa waxaa ay maxkamadu ku xakuntay min hal sano oo xariga ah kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Sida la wada ogsoon yahay Xukunka Saraakiishan ma ahan kii ugu horreeyey ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ay ku fuliso ciidamo ka tirsan Puntland balse xukunadan ayaa waxay kaga badalan yihiin kuwii hore oo lagu fulin jiray dabley iyo Caadi ah, ha yeeshee haatan ay ku jiraan Saraakiil Sare.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: