Advertisements

Dad Soomaali u badan oo Tahriirayaal ah oo gaaray xeebaha dalka Yemen.

Halkaan ka akhri

Dad Soomaali u badan oo Tahriibayaal ah ayaa  lagu soo warramay in ay gaareen xeebaha dalka Yemen, waxana ka  amba baxeen xeebaha bari ee dalka Soomaaliya

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda arimaha gudaha dalka Yemen, waxayna sheegtay  in tahriibayaal gaaraya 51-qof ay soo galeen wadanka Yemen, hase ahaatee  la sheegay in dadkan tahriibayaasha ah ay dhibaatooyin farabada kala soo kulmeen intii ay ku guda jireen Safarkii ay uga tahriibayeen badda.

Sidoo kale Ciidamada ilaalada badda ee Yemen ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Tahriibayaashaasi, xili ay soo gaareen xeebaha gobolka Shabwa, halkaasi oo baaritaano dheer kadib ay ciidamada isaga direen xeryaha qaxootiga ee ku yaala wadankaaasi.

Ciidamada Badda  dalka Yemen Tariibayaashan ayaa waxay isugu jireen Soomaali iyo Ethiopian, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in 19-ka mid ah Tahriibayaasha ay ahaayeen Haween Soomaali ah, halka 4-ka mid ah ay ahaayeen Caaruur da’doodu ay aad u yartahay.

Sida ay sheegtay Dowladda Yemen in mudooyinkan dambe ay soo badanayeen qaxootiga Soomaalida ee kas oo cararaya dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira wadanka Soomaaliya, waxaana qaxootiga Soomaalida ee Yemen ay inta badan dhibaatooyin kala duwan ku haystaan xeryaha ku yaala wadankasi.

SomaliSwiss Shabwa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: