Advertisements

Abaanduulaha ciidamada Mareykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika Janaral William oo booqasho ku tagay magaalada Kampala.

Halkaan ka akhri

Abaanduulaha ciidamada Maykanka ugu qaabilsan  Qaaradda Afrika Janaral William ayaa booqasho ku tagay magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda,  halkaasi oo kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda iyo abaanduulaha Ciidamada dalkaas.

Kulankaas ka dib war qoraal Ah oo ka soo baxay Abaanduulaha ciidamada Maraykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika ( AFRICOM ) Janaral William Ward ayaa Waxaa uu ku amaanay madaxda dalka Ugandha inay muujiyeen cudadooda iyo awoodooda Ciidan, taasoo ay Ciidamo badan ay u direen dalka soomaaliya, si ay nabad uga dhaliyaan.

Sidoo Kale wuxuu,Taliyaha AFRICOM uu ku booriyay Dowladaha Uganda iyo Burundi inay sii xoojiyaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, wuxuuna intaa uu raaciyey  in ciidamadaasi ay ka go’antahay in gacan ka gaystaan arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Qaarada Afrika.

Dhanka kale Abaanduuliyasha ciidamada Uganda iyo Marayknaka ayaa lagu soo warramay inay ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Maraykanka ay u taageeri laheeyd AMISOM.

Sida laga warqabo dowladda Ugandha ayaa horey u ballan qaaday  in Ciidamo gaaraya ilaa iyo 20 Kun oo Askari inay u soo dirayso dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan howlgalka Amisom ay Ka wadaan magalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya .

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: