Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa Saakay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxayna ku sii jeedaan magaalada New-york ee dalka Mareykanka hase ahaatee Wafdigan ayaa la sheehay in ujeeda socdaalkooda ay tahay inay ka qayb gelaan shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaasi oo furmaya 14-ka bishan January.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha dibadda ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Oomaar Wasiirudowlaha xafiiska Ra’isulwasaaraha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar iyo La taliyaha arimaha Warbaahinta iyo Isgaarsiinta Xafiiska Ra’isulwasaarha Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Ra’isulwasaare Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo ka hor inta uusan wafdiga uu hogaaminayo ka ambabixin magaalada Muqdisho la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Kulan ka dhici doona 14-ka bishan magaalada New York uu yahay gebi ahaantiisba mid looga hadlayo arimaha amaanka Soomaaliya waxaana uu Ra’isulwasaare Farmaajo rajo ka muujiyey in shirkaasi qodobo wax ku ool ah ay uga soo baxaan dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee Socdaalka Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa ah socdaalkii Labaad ee uu ku aado dibadda tan iyo Intii xilka Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya loo magacaabay.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: